Monday, April 29, 2013

Buuga diiwaanka suugaanta iyo heelooyinka

Garashada dayoowdaay Isma dhaanta dirirtaay Dibjir wada sarkhaamoo Darandoori laba dhinac Danab iyo madaafiic Magaaladii ku dumisaay Xageebaad hadhoow dagi Taladaba kumeey darin War hooy aan idiin digo Ha la is dilo xal ma ahee Dadku nolol ha raadshee Sida maad ka daysaan Armeey digasho reebtaa Dib armeey u eedaa Dagaalkii sokeeyaha Armeey caro is dooxdaa Sida duulki algu rogay Armaa daadku qaadaa Armeey dawgashiyo taah Hurdadaba la diidaa Taladaba kumeey darin War hooy aan idiin digo Ha la is dilo xal ma ahee Dadku nolol ha raadshee Sida maad ka daaysaan Xal beey waayi doontaa Dhalanbaabi beey noqon Mawjadaa daf siinoo Waxa sidii dabeylaha Dar xumeey ku noolaan Kala durugsanaantiyo Waa waxa loogu dawgalay Dacar ineey kabootee Taladaba kumeey darin Waa waxa loogu dawgalay Ineey dacar kabootee Taladaba kumeey darin War hooy aan idiin digo Ha la is dilo xalma ahee Dadku nolol ha raadshee Sida maad ka daysaan Taladaba kumeey darin Abaayo Ibrahim Baadil Iyo Faadumo Duur Kal gacalyka geeskaaga abaayo adna yaanu ku gees marine abaayo giijiyoo hasii deynin abaayo Faaduma Duur Kalgacaylkii guumoowyee aboowe igu noqey maguuraane aboowe gal galsho hurdadii nacaye aboowe Ibrahim Baadil Kal gacalyka geeskaaga abaayo adna yaanu ku gees marine abaayo giijiyoo hasii deynin abaayo Faaduma Duur Garanuug sideediiyeey aboowe kali socoto moyaane aboowe ma salaamo gacalkeeye aboowe Ibrahim Baadil Galabta caawa aheey farxadiyo damashaadkani guri galkeena weeyaane Faaduma Duur Mar hadaynu galabtaba goobeyney sheekadiiyeey caawa aan gam'aayaaye Ibrahim Baadil Galabta caawa aheey farxadiyo damashaadkani guri galkeena weeyaane Faaduma Duur Mar hadaynu galabtaba Ibrahim Baadil Waliba caano iyo waliiba caan iyo guulahaan ka barinaye sidaa garo gacaladaay sidaa garo gacaladaay Faaduma Duur Gurkaagu waa sharaf gurkeynu waa sharaf guri barwaaqiyo gabadh guulehay hanagu simo Beyddka Labbad Ibrahim Baadil Gacmahaagu waa dahabey abaayo wardigan fargashiga ahay abaayo iga guudoon oridaydaay abaayo Faaduma Duur Muuqa isla gaba xidhiye aboowe leylana god ka u dhigay aboowe cilmina geesaha u dhigay aboowe Ibrahim Baadil Gacmahaagu waa dahabey abaayo wardigan fargashiga ahay abaayo iga guudoon oridaydaay abaayo Faaduma Duur Kaa gudoomey aniguye aboowe geedkeena caashaqey aboowe midhihiisii maan gurane aboowe Ibrahim Baadil Gidigood haweenkoo idil adaan kaa gacloodoo gooni kuu ahaadee Faaduma Duur Mar hadaynu galabtaba goobeyney sheekadiiyeey caawa aan gam aayaaye Ibrahim Baadil Gidigood haweenkoo idil adaan kaa gacloodoo gooni kuu ahaadee Faaduma Duur Mar hadaynu galabtaba goobeyney sheekadiiyeey caawa aan gam aayaaye Ibrahim Baadil Waliba caano iyo waliiba caan iyo guulahaan ka barinaye sidaa garo gacaladaay sidaa garo gacaladaay Faaduma Duur Gurkaagu waa sharaf gurkeynu waa sharaf guri barwaaqiyo gabadh guulehay hanagu simo Ibrahim Baadil Waliba caano iyo waliiba caan iyo guulahaan ka barinaye sidaa garo gacaladaay sidaa garo gacaladaay Faaduma Duur Gurkaagu waa sharaf gurkeynu waa sharaf guri barwaaqiyo gabadh guulehay hanagu simo. Dhoof nooli kulantee Kuluc Jacaylkan I dhaawacey Jaceylkan idhalan rogey Jacaylkan idhaansadey Jaceylkii dhabta ahaa Soo dhawaatey halistii Markaad iga dhaqaaqdee Bal inaan ku dhiirado Dhexdaan xidhanayaa Malmal baan dhiteeysanee Dhoof nooli kulantee Ha dhalantaalin caashaqa Dhakso iigu soo noqo. Magool Anba dhiigu kama fulo Dhanbaal wadaha beerkoo Sidaan dhaxal u yeeshuu Idhex dagey ma guuree Waxan dhuuni ka cunaa Dhan dhanaansi kaliyee Way dhaamisaa weel Ilmada iga dhaceeysaa Dhabankayga qooysee Dhawr nabad kusii joog Ha dhantaalin caashaqa Dhakhso waan usoo noqon. Kuluc Dhaqaaq toobiyaha qaad Dhulku taago taago Dharaartuna dalaalimo Malaa igao ku dhawroo Wax ku dhiba ilaahey Kuuma soo dhaweeyee Gaadiidkana mid aan dhicin Dheeliyeen usii raac Dhakhso meel walba u taga Dhoof nooli kulantee Ha dhantaalin caashaqa Dhakhso iigusoo noqo. Magool Jacayl aan dhamaaneyn Jacayl aan I dhaafeeyn Dhuuxiyo wadnaha galey Jacaylkii dhulkeeygiyo Halkan igu dhibaayaan Debed u dhoofinayaa Waan soo dhiibi doonaa Dhanbaal iyo waraaqo aan Dhiig kusoo qoraayee Dhawr nabad kusii joog Ha dhantaalin caashaqa Dhakhso waan usoo noqon. waxaan sida u dhibta yar idiinku soo gudbineynaa heesihiina afka soomaaliyeed si aad uga haqab beeshaan micno iyo nuxurba Cajebey cajiib tubeec Cajebey cajiibeey Cawo iyo ayaaneey Caqligaad xadaysaa sida geed cal iyo buur dheer Carro-hodan ku yaalloo Cokanoo irmaanoo Dhirta kale ka caynoo Hoobaan casuus lihi Laamaha is-celisoo Ubaxuna tin iyo cidhib Kaga dhigay cabbaadhyiyo Dusha sare caleentii Cidhifka is la gaadhaan Biyo wada cabteenoo Haddaan lay cadaabayn Rabbi ii cadhoonayn Dadku in ku caashaqo Madowgiyo caddaankuba Ku caleemo saaraan Sow kuma canaanteen Cad waxaad wadaagtaan Dhulka oo cagaarloo Cosobkii is gaadhiyo Cagta meel la saaroon La cuskado la haynoo Fiid cawl horaantii Cirka oo daruuruhu Ku dhigeen canjiidaha Dayixiyo cadceeduna Cidhifyada ka joogaan Sagal caasha saaraad Biyo wada cabteenoo Haddaan lay cadaabayn Rabbi ii cadhoonayn Dadku in ku caashaqo Madowgiyo caddaankuba Ku caleemo saaraan Sow kuma canaanteen Sida faras cag fududoo Cadda horor yaqaannoo Gulufkiyo colaadaha Ninka lihi cad goostaa Raggu kuu cugtamayaa Cimri dherer hadhkaagaan Inay kula caweyaan Culimada jacaylkee Cawdeyda gooysee Ii cadaadinaysaa U calool yoobayaa Biyo wada cabteenoo Haddaan lay cadaabayn Rabbi ii cadhoonayn Dadku in ku caashaqo Madowgiyo caddaankuba Ku caleemo saaraan Sow kuma canaanteen balaan kula Dardaarmee sahra Axmed Dawadii nafteydoow balaan kula dardaarmee dabuubtaan ku leeyahey ku daabaco qalbiga oo waligaa hasii deyn duushayee allow nabadey qoraxduna dalaalimo ee caashaqana daadihi waliga hasii deyn Xassan Adan Darmaan taan jeclaayey balaan kula dardaarmee dantu wada jir weeyee docdaada yey ka beylihin anna teyda igu daa dunida oo barwaaqa ahey dalka nabad ku sii joogee caashaqana daadihi waligaa hasii deyn Sahra Axmed Dayaxii iftiimow balaan kula dardaarmee dumarkana adoo kale ta heshaa ma deysee dookhaaga ka adkow duushayee allow nabadey qoraxduna dalaalima ee caashaqana daadihi waliga hasii deyn Xassan Adan Deymada u rooney balaan kula dardaarmee kuwa loogu dow-galey labadii is doortee kala dila dadka is jecel ayaaney isku keen dirine dunida oo barwaaqa ahey dalka nabad ku sii joogee caashaqana daadihi waligaa hasii deyn mudantii ahweynkay maxamed mooge Mudantii haweenkaay marwadii la sheegee dadku wada majiirtaay dumar lama mid dhigayee muxubada kal gacalkaa laanyahay magooshee midhihiyo caleentiyo manka lagu talaalee ubax lagu mariimee qurux lagu manaystaay mudo aan yarayn baan kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenadan sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaa ii muuqa taayee muxibada kalgacalka hadba soo mir kacayaa Midhaha hadalku leeyey ereygiisa ma huraan waana loo mashxaradaa midaa taaladeedaa igu mayracaysaa marti waa la sooraa magan waa la bixiyaa haw udhuran masuuge maahmaahda sheegtayoo dhibtan ha igu madinine mudo aan yarayn baan kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenadan sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaa ii muuqa taayo muxibada jacaylka hadba soo mir kacayaa Masalooyin dhawroo mahadhooyideedaan kuu marinayaaye maqal waanadaydanoo miisaan warkeygoo caynkii xalaytoon waaba midhiq ii odhan madaxaanba duubtee naftu way ku maagtayoo kaa maar mi waydayee mudo aan yaraynbaan kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenada sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaa ii muuqa taayo muxibada jacaylkaa Cabdi Tahliil Onkod roobku madaayo aarna taaha madaayo anna taa ma ilaawoo jacayl ood rogan maayo oon hilaac bi in maayo ayro weerar madaayo ninlihi aamusi maaayo ergo geesi madiidoo ilaah tiisu ma oosho calaf la iska ma ooto ubax dayr ma qarsoomo godka lay iskuma aayo ifka la isu tudhaayee iilka la isma gar gargaroo aboor la iskama baajee nabsi hayga amaahan axdigii ina dhex yiiliyo ha iloobin aqoontee. Asaagay usha toosan iyo ooda hagaagsan hayiinkii asabaadee madigii afar deeqa inantiina ilwaadsan ee asluubi u dheer tahay sidaan u asteysto kuu eegana yaaye hadaan aamin idhaahdo waa aqoonta haweene oo rag iiga danbeeyo halka ay ka cawayso uur ku taalada maada arimidiisa jacaylka anigu soo dhaxli maayo nabsi hay iga amaahan axdigii ina dhex yiiliyo ha iloobin aqoontee. Sida oogta hilaaca ileyskeeda cadceeda amaantaada libaaxa malaa waanad ogeyne ayaan uurkiyo maanka wadnahayga agtiisa sida aayad ku taalaa uumiyaha u tusaayee haadii aanu ibleysku iga kaa anbineynin inaad ii tudhi weydo eegi maayo koley arin kuuma hambeynee araartii haku deeqdo sina hayga adkeysan nabsi hayga amaahan axdigii ina dhexyiiliyo ha iloobin aqoontee Waxaan ahay Bukaan Socod Lafoole Nimanyahoow dad lama beero mana baxo sidii geed ma ogtahihiin barbaarteenu beec iyo xaraashaa maha naf hadaad bilaash moodeen dhul batrool ku jira maaha macdan buur dusheed taala qiimiga in badan dheere kaligeey hadii aan bo ay hadii aan baroor diiqo baaqa yaa ila garan doona waxa aan ahay bukaan socod e. Nimanyahoow bulshada eega qubuurahana soo booqda inta wiil laxaad beeley bukaan socodka tiro gooba waloon beeni soconeeynin beelina wax tari mayso xukun baadil lagu raadshey dhibta looga bixi maayo kaligeey hadaan bo ay hadii aan baroor diiqo baaqa yaa ila garan doona waxa aan ahay bukaan socod e Nimanyahoow Alle ayaa boqora cilmi iyo awood badan leh bismilaahibaa dawo ah Bogo daya kitaabka badrad anaa xoog leh iyo baawir lagu faano Bukaase iyo Namruud iyo Illeeyn hawl ku bogn waaye Kaligeey hadaan Bo ay hadii aan baroor diiqo baaqa yaa ila garan doona waxa aan ahay bukaan socod e Views: 11489 Like Share Twitter Comment You need to be a member of Aduun to add comments! Join Aduun Comment by mustafe maxamed xusen on January 13, 2011at 2:04am lafoole asluub dumar iyo xisood aqoon iyo qurux haween marwadii eebahay asaageed dhaafiyaay ilayskii nuurayaay ishaa ii macalinee gayaanka adoo qudhaan naftayda ku aaminee adkaysaye inoo adkee Comment by mustafe maxamed xusen on January 13, 2011at 2:01am ninba wuxu ku taamaa ama hees u tiriyaa tixi gabay ku sheegaa halka lagu talaalee hawadiisu talaalee uurkiisu tabayee Comment by c/shakuur maxamed c/laahi mire on August 7, 2010 at 2:01am waa gabaygan soo socda waxa tiriyey c/shakuur maxamed c/laahi mire inan yahay daruur tiyo biyaha dahab la moodee u eeg dooga soo baxay dallawada rag foofsaday nimaan duunyo weli dhaqan daarana useesnayn hayeeshee cishqigu dagay dadna adiga kuu jecel dawadiis ma garataa mise inaad dalxiistiyo waxaad haybsataan dibad iyo dalaal shisheeyoo ma danaysid sheekada ubax yahaw dilaacee aan dabaysha aragee dayac laga ilaashoow xidig yahay da'deedii daayinkeedu dhaafshee qurux loogu deeqaay aawada halyeey dilan Comment by mulki haji on June 21, 2010 at 1:38pm jamaaljaamac05@hotmail.comMudantii haweenkaay marwadii la sheegee dadku wada majiirtaay dumar lama mid dhigayee muxubada kal gacalkaa laanyahay magooshee midhihiyo caleentiyo manka lagu talaalee ubax lagu mariimee qurux lagu manaystaay mudo aan yarayn baan kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenadan sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaa ii muuqa taayee muxibada kalgacalka hadba soo mir kacayaa Comment by mxirse on April 14, 2010 at 1:09am oll tx waad ku bahad santehiin rayegiina wanaagsan Comment by liibaan daauud caalin on April 13, 2010 at 11:44pm Ilbaxsanida hadalkiyo dagananto inan yahay waa waxaa dareentiyo nafta dammac galiyo kaga dortay kher dugsi dhaxanti ciliyoo dawadaaiitahax wadigoo daldheer jiraan halkan ka darema macanto wanku jeclahay Comment by dalmar maxamed cabdalla on April 3, 2010 at 1:11pm alla mahad le awood adagleh aduunyada nin noolow maxaa aragtay kuu laaban Comment by indha deeraley on March 31, 2010 at 11:34am asc belo cml

No comments:

Post a Comment