Monday, April 29, 2013
Buuga diiwaanka suugaanta iyo heelooyinka
cuddontaan jeclaayee
Canbar iyo udgoonee
Dhul cadar leh iyo cuud
Cusub iyo ugbaadee
Cirka oo da’ayoo
Calcalyada xareedee
Cuudku iyo xoolahu
Ka caleeye duleeka
Ciladooda leedahay
Maalmo.com
Ragu lama canaanoo
Ciil laguma beeree
Waxa lagu ciseeyaa
Caadada iyo dhaqankii
Layguna caka jiray
Soo taynu caashaqa
Ka ilaalin jirnay ceebtiyo
Cadaw so i joogaba
Caashay iskuma ogayn
So taynu ciidii
Ceelkii burcaadiyo
Carigeeni hooyaba
Caafimaad ku joognee
Isku caloofiyooween
Ragu lama canaanoo
Ciil laguma beeree
Waxa lagu ciseeyaa
Caadada iyo dhaqankii
Layguna caka jiray>>>>>>>>>>>>>
DHEEMANEY JACEYLKII
IGU NOQAY DHIRBAAXO
DHAAWAC HALISTA GAADHIYO
IGU QABAY DHIMBIILOO
DHUUXIYO LAFAHA BUU
DHAMAC UU IGA SHIDAYAA
INTUU DHIIGA RAACUU
DHAYAL IGU MAQUUNSHAY
DHUUNI WAA IGA JARAYO
HARAAD IGAMA DHAMAADO
HURDO WAA IIGA DHAARTO
DHULKA DHABAN MA SAARE
DHARAAR IYO HABEEN BAA
DHAWAQAAQU MARKUU
DHAGAHAY KUSOO DHACO
DHULKAA ILA WAREEGOO
SIDA BARAFKAAN DHALAALAAA.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment