Monday, April 29, 2013
Buuga diiwaanka suugaanta iyo heelooyinka
maryuu u muuqda indhaha
magane aragaa tahoo
mohashada kalgacalkey
ku mililicaanoo
sida mayay aroor da,ay
adigaa milkiyo sharaf
maaxaya dhigoo
nafta meyracaaye
miirkii nafteydow
kala maarmi meynee
sida laba matanaa matanaa
aan mideyno caashaqa
mareer baxayoo magooloo
munadi ubaxa tahoo
maamuusta aragaa
maanshe wax dheertahe
meel joogsigaagiyo
muuqaaga quruxda leh
muraaqooday goortaan
mahaadada xasuuste
miirkii nafteydow
kala maarmi meynee
sida laba matanaa matanaa
aan mideyno caashaqa>>>>>>>>>>
Inanyahaw jamaalka iyo
Jaaha lagu manaaystay
Sidaan kuu jeclanahay
Jahwareeray aniguye hee hee X2
Doogi iyo ilwaadaa
Isoo jiidanayoo
Meeshii aad joogtaa
Jabaq iiga yeedhaa X2
Maalmo.com
Jiro iyo walaac baa
Naftaydi Jikaaroo
Jaamjaamay maante X2
Naftaydaa ku jamaate
Nolol kaa jeclaate
Kuu jeda adigoo
Jirif kaa sugaysee
Jaanta ha iga hayn X2
Qays iyo Laylaaa
iilka jiifee
Ha i jabinin nacabkee
Ha i jabinin
Ha i jabinin nacabkee
Jihadayda soo eeg>>>>>>>>>>>>>
Maalmaha qaloocaa
Hadii ay kaa marooraan
Waa muraayad waayuhu
Caashaqu ka muuqdee
Marbaan sida mayeedhaan
Mudo aamusaayoo
Isha midhiq ka siiyaa
Maalmo.com
Mar waxaan idhaahdaa
Siday tahey mar curad geel
Ilmii mawdku kal tagey
Maqaarsaarka ciidaa
Yaa maali jirayeey
Marbaan mawjadaha dheer
Maaxaa dhexdoodoo
Muuqeyga la arkaa
Laakiinse aan maqanahey
Intaasoo marxaladood
Anigoo kasoo marey
Ma huraan dhulkeeniyo
Ayan manta ka horow
Ma higaanku igu dhicin.
Waayaha ma duugaa
Hadii uu kaa madawyahey
Waa uguryo deebaaq
Caashaqa martiyayee
Marbaan mudanta ciida
Cadaw iga magoodiyey
Muragadeeda la ooyaa
Mar waxan idhaahdaa
Rag naftiisa mooyee
Maaree dhibaate
Mintidoo is diidsii
Muhashana sidkaa filo
Marbaan malaha beentaa
Muuq maryo u xidhey
Maaweeliyaayoo
Laakiinse ay maqantahey
Intaasoo marxaladood
Anigoo kasoo marey
Muharaan dhulkeeniyo
Ma naxaanka caashaqa
Ayaan manta ka horow
Mahuraanku igu dhicin>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>
Gobaadee galacalkii
Gudaheena yaaliyo
Gogashaan atkeestaa
Gunto olal ka baxisoo
Geedu adigu maahee
Maxaa guriga ii galay
Hebishii jacaylkaan
Gaadiid sidiisi
Ku sidaa garabaha
Gacalooy sidii baan
Gaabaha u cunayaa
Adiguna hagaagaxin
Anna guurimaayee
Maalmo.com
Gobbadee igama go’in
Guri yakleedahe
Daarahan astaantii
Gaarka kuu ahaydiyo
Guri labo galkaakii
Nin ogaabaa garan karo
Heshii jacaylkaan
Gaadiid sidiisi
Ku sidaa garabaha
Gacaylayoo sidii
Gaabaha u cunayaa
Adiguna hagaagaxin
Anna guurimaayee
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment