Monday, April 29, 2013
Buuga diiwaanka suugaanta iyo heelooyinka
Xirsoow daadah oo debida baro dani-ba yeelkeede
Duqa ha iska raacee warkuun ugu dar mooyaane
Hayskala dalxiisee dushuun ka arag mooyaanee
Deelay hadaad tirisay iyo waliba deelqaafkan
Oo aad digniin bixinaysoo adigu doobyayso
Digtoonoow anaa kula dacwiyi , doodna kaa badine
Taariikhda duuga ah hadaad dib ugafaalootay
Dulcad iyo markii maatadii qaadhka lagu daadshay
Ee ay Daroor iyo tageen , duurka iyo hawdka
Dambarsamalay qaalmii markii duulanku is jiidhay
Wixii diric nin raga, maalintaa qaydka lagu duubay
Dabaqdhoonka geelee isagu diday ma sheegayne
Xirsoow maad dagaalamin rabigu wayna dilayaaye
Daljirkiise qarsoonaa hadaanu maanta dibad joogin
Taas danqaabi maayoo ilayn ways dugsanaysaaye
Waxa Maantaa lagu daynayaa , Dirirdhabaan tegey
Afartaa miyaan deelka gabay doc uga waydaaray
Daalaadhac iigama tagee , duurxulkii gabay dheh
Darwiish, Faarax nuur iyo Gahayr derisyadoodii dheh
Dabaq Qaasim, dubii yawle-iyo dacartii baar-eeg dheh
Sidii daad rogmaday waa murtida daaficii Caliye
Bal aan dunida waayaha markale dacaladaa eego
Dirkii Ina Sadam( 1 ) waad ogtahay siday u diirteene
Dalandoolkii Seef(2) wuxuu xidhnaa dumar hugoodiiye
Isagoo daliiley qabteen daanaduu falaye
Dayrcadkii Xusniyo(3) wiilashii Dooli laga yeelye
Iyagaba daluun iyo hog-baa lagu daboolaaye
Hadeer Dimishiq iyo daarihii laysu dacareeye
Maanta la day-dayaha-yaa danabkii dheeraaye(4)
Degelkeenan waad garanaysaa duubcastii hore,e
Daacuf-lii Cadeed , Faalso iyo Daalinkii Gaani
Dusha marinta baastooladii, Moorgan laga diidye
Dariiqaa la wadhay inamadii, duhur dharaareede
Dalqo wayne(5), waa loo dawaray dabadii ooryiiye
Nin kastoo daruuraha qabtaa maalinbuu degaye
Duunkaa la eegaa nafluhu waa is daba jooge
Intay dubatay Wiil hoog ayaan ruux dafirahayne
Dambarsamalay qaalmii markii duulanku is jiidhay
Wixii diric nin raga, maalintaa qaydka lagu duubay
Dabaqdhoonka geelee isagu diday ma sheegayne
Xirsoow maad dagaalamin rabigu wayna dilayaaye
Daljirkiise qarsoonaa hadaanu maanta dibad joogin
Taas danqaabi maayoo ilayn ways dugsanaysaaye
Waxa Maantaa lagu daynayaa , Dirirdhabaan tegeye
Afartaa miyaan deelka gabay doc uga waydaaray
Daalaadhac iigama tagee , duurxulkii gabay dheh
Darwiish, Faarax nuur iyo Gahayr derisyadoodii dheh
Dabaq Qaasim, dubii yawle-iyo dacartii baar-eeg dheh
Sidii daad rogmaday waa murtida daaficii Caliye
Nin darjiidhayaan doonayaa inaan dabaalaaye
Dooh qaalin buubaaya-baa lagu dabreeyaaye
Hadii uu dulqaad kaasi yahay doontiiwaa halise
Bal dareenka waanada mar kale aanu daro haanta
Dambarkeeda dhayda ah, amaba malabka doocaana
Hadii aan wax kale lagu darayn waa dawo Ilaahe
Layska diid daliilkii Alliyo , daa,in xeerkiiye
Dawlad iyo la kala saar midkii dani ku qoolayde
Goormay distoor gaal Xaqii kala dab qaateen dheh
Dimquraadi goormay Sharciga daris wadaageen dheh
Waar waad dambaabtaye adeer dib uga soo laabo
Dulqaad baa xilkana loo ogaa dibu heshiisiine
Deris kugula nool meel waxa u roon, inaad dawaysaaye
Malaa dacar magow iyo ma gayo daabcad baan sidane
Rag is dayno mooyee ma laha dirir inoo xeere
Mid ku dura , mid kuu duurxuliyo , boqol ku diidaaya
Mid dareen galoo kaa shakiyay kaana diday haatan
Qaar kugu dambaaboo ku yidhi hadalo deelqaaf ah
Iyo qaar dakano sheegtayood , dhakharo gaadhsiisay
Oo aad xilkii kaba dirtoo , dibada meeraaya
Ninyoow daacada Ilaah , dad kaa qayliyaa badane
Daruuraha inaad saarto ood damaqdo mooyaane
Inaad kala diraysoo inaad dacar walaaqayso
Ood dabin u qooshoo , adigu dumiso mooyaane
Diiwaanku muu qorin xirsoow wuu dejinayaaaaye
Waxse iga dardaarana midbaan kuugu darayaaye
Murti kaa da,weyn iyo hadaan hadal ku deeqsiiyo
Oon daabac maansada ku xidho yaandib loo furine
Odayada duqoobiyo abwaan da,aha mooyaane
Kuwan kuu durbaan tuamahayee kuugu daray heesta
Ee yidhi darwiish baad tihiyo dumar ha waydiin dheh
Doolo iyo hawd sare markuu dirirku soo joogo
Ee daakiradii xeryaha laga dareeraayo
Daabadkii hayina iyo midkii dirifle buubaala ah
Docda gurada keebaa caruur lagu daboolaa dheh
Oo dumar ku aamini karaa , maataday dihatay
Waa duurxul waayeel waxaan kuu dulmarayaaye
Durduro iyo raadqaadka ubad kee danbayn jiray dheh
Dooxa iyo jidhaamaha midkee lagu dabaashaa dheh
Darbanta iyo leedada nin ragi miyuu ka diraa dheh
Meel aan dagaal jirin miyuu diric hubqaataa dheh
Daahiya nin ogi saw qabriga dib umajeedaasho
Dab wixii shidaayiyo xumaha saw kadurug maaha
Dalawooy hasheenii mar kale daayac yay mudane
Xagayagan warmaha dadan la yidhi ducona loo yeelye
Alloow doobir baan nidhi waxuu inanku doonaayo
ALLOOW DOOBIR BAAN NIDHI WUXUUINANKU DOONAAYO
Ma’ogtahay gafbadaneey
Labo gacal wadaagaan
Inta gogol fariisteen
Guri wada yaglelee
Dooqooda gaarkiyo
Guurkooda xalaashana
Go’aankooda weeye
Gardaro ha uqaadan
Maalmo.com
Go’aankooda weeye
Gardaro ha uqaadan
Inanyaheey
Meel geeri go’aniyo
Gaahibaa gaahibaa
Gaahibaa dhex joogtaa
Oo meela geeri go’aniyo
Gaahibaa dhex joogtaa
Gaahibaa gabalkiina kugu dhacay
Gadgadoonka hadalkaa
Kolba gees uyacayaa
Oo gayaan is jecelbaa
Ku baabi’i karaayee
Hadalkaaga guracan
Hadaad gaabsan weydana
Damacaaga gaarka ah
Koley gaari meysidee (Gabaryahay)
Meel geeri go’aniyo
Gaahibaa gaahibaa
Gaahibaa dhex joogtaa
Oo meela geeri go’aniyo
Gaahi baa dhex joogtaa
Gaahibaa gabalkina kugu dhacay
Cad Ceediyo Xidigihiyo
Cimilada Aduun Yada —– X 2
Cirka Aarka Joogiyo
Halka Ceynku Kaga Yaal
Adigoon Ku Caan Noqon
Carra Edegta Hadalkee
Ama Caami Kala Harin ——X 2
Maalmo.com
Isagaa Cumaamadan
Culuun Kaa Gu’ Weynoo —— X 2
Caya Yaanka Duulee
Cidi Aaney Aragiyo —- X 3
Ciirsi Ruuxa Kuu Xiga
Haku Noqon Haku Noqonin
Cadawgii Cirib Tiray Wallaalkii —- X 2
QEYBTA 2 AAD
Caqligiyo Wax Garashiyo
Ceynaano Nabadeed —– X 2
Xajadaa Cakirantiyo
Golo Lagu Cadeyn Karo
Codkarkiisa Weyniyoo
Garta Caadilkeey Noqon
Ama Caawin Karin Nolol —– X 2
Ha U Caroonin Waqtiga Iyo
Calaf Waxaad Ku Weydoo —– X 2
Caya Yaanka Duulee
Cidi Aaney Aragiyo —- X 2
Ciirsi Ruuxa Kuu Xiga
Haku Noqon Haku Noqonin
Cadawgii Cirib Tiray Wallaalkii —– X 2
QEYBTA 3 AAD
Cilmi Iyo Wax Barashiyo
Caruurnimo Wax Kaa Lumay —- X 2
Adoon Cashirka Diintiyo
Cabsidii Illaah Wadan
Ama Caalim Weyn Noqon
Ha U Oran Cariifiga
Caggo Midaad Ku Galeysiyo —- X 2
Ha Cadaadin Ruuxaan
Kaa Gayin Colaadoo —– X 2
Caya Yaanka Duulee
Cidi Aaney Aragiyo
Ciirsi Ruuxa Kuu Xiga
HaKu Noqon HaKu Noqonin
Cadawgii Cirib Tiray Wallaalkii
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment