Saturday, April 27, 2013

Buuga diiwaanka xikmadaha iyo qarjajacda

Wax la yidhi hubsiimada, qof jiraa hal siistee, hadalada macaaniyo, 'haye'aan la fulinayn, hagrashaan ka jeceloo, af-gobaadsi ima hodo. qaar kaa horreeyaa, ku habaabay kibirkay, bidayeen hagaagee, bal maxaad haweenkiyo, horta dheertay qayrkaa. ruux kugu farxaayaa, dadka loogu faanaa, waxa laga fogaadaa, qofka aad la fududahay, hadduu fooq qof kaa koro, buur ka sii fig dheeriyo, surad baa la fuulaa. markaad xidhan tahay xijaabka, waxaad tahay xuural-cayn yar, markaad runta xeerinayso, xor baad tahay garasho fiican, xishood rabi baa ku siiyey, han baad leedahay xil qaada, ninkii ku xushaa nasiib leh xaas kaad u dhaqdaa badhaadhay, qof loo xiiqoo la haybsho, xaqiiq waad tahay inaabti. ragga kani ammaantiyo, sheegashada awoodaha, aanu siin ilaahay, ergisada ku doontee, amaanaysta sharaftoow, aadmiga dhegtoodiyo, indhahooda lama siro mar haddii dhabada tii saxdii geesta laga dhaafo, inay noloshu dhaban yeelataa waa iska dhalanteed. Abwaan HADRAAWI tixdiisii INA SULDAAN waxa ka mid ahaa: beer oodanoon, irrid furan lahayn, haddii ubax jacayl, ulo sare ku yaal, naf ogoli toloow, illinkay martaa, hadday weli alliyo, uurku baalle tahay, hadday aawadeed, adhaxdiyo wadnaha, waxa iin ku taal, ka il sugan lahayd, ilmo lagu samraa, indhaheed toloow, ma ka iman lahayd, ul madheedha oon, hor ilaahay iyo, abaal la isku siin, orod lagu helayn, awood lagu hantiyin, ayaan iyo nasiib, ma ka adag yihiin. abwaankii weynaa ee GAARRIYE (Allaha u naxariistee ) wuxu yidhi: ''nin ku yidhi i daw mari, duudsiguu tirsanayoo, laga daayo mooyee, wixii kaleba doogiyo, dacar bay ku kiciyaan'' Wejgii alliyo Weynaha dartii Ruuxaad wanweyn Hilbihiisa wadhan Ugu waabtay baa Kugu wiirsadoo Ku waraabsha ciil. dabin iyo dalluun iyo, dambi iyo dan-seegbuu rabbi igaga duwayoo, ducadiyo kumaan qadin, digrigiyo qur'aankii toloow yaa la sabayaa? sal-fudaydku hodayaa? af-gobaadsi solayaa? suuxdin yaad ku mudaysaa? sacab yaad u tumaysaa? ama saarku ridayaa? sawir yaad la gelaysaa? toloow yaa la sirayaa? surka yaa la jarayaa? sahal yaa la dabayaa? ama qool la sudhayaa? sifir yaa la dirayaa? jacayl aan sax noqonayn sibiq yuu ku galayaa?

No comments:

Post a Comment