Saturday, April 27, 2013

Buuga diiwaanka xikmadaha iyo qarjajacda

1.galool caato weydiyo laftii gurantay aan buuxin gabashada dabaylaha miday gegi banaan dhaanto NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 2.sidii dhiil gadhoodh lagu shubtiyo weel gunta u dhuuban gaafulo cigcigan oo sidii ciyawga goohaysa NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 3.gadaal iyo midaan badhi lahayn gaadadana buuran garabkuna xamaaliyo sidii goodir muruq yeeshay NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 4.sida geriga dhererkoo gingiman golis hadaad fuusho geel raacsan maayiyo ileen gaade weerara he NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 5.sidii gaban caruuriyo midaad gabadh yar moodeyso oo guuna murankana sidii oday u guuxaysa NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 6.gaasira codweyn aan wanaag gelinba laabteeda oo gadata sheekada hadaad gooni ugu sheegto NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 7.fays buug mid gogol dhigatayoon guugalkaba dhaafin baaltoogna soo geleleftoo gaagna reebaynin NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 8.gal dhalaala uurkoo gubtiyo gibil hillaacaysa gudcurkiyo cadadu waa walaal waana kala gaare NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 9.gobonimada dumar waa inaad adigu gooshtaaye gabaatigiyo yaradkii haday geyso waa halise NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 10.mid adduunyo lagu gaadhayo giniga raadcaysa gurboodkiyo ninkeediyo u daran weliba guudkeeda NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 11.midaan gawda hadal joojino kuu guryami leylka goonyaha midaan eegino maqalka gaagaabsan NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 12.galabtiyo dharaartii miduun dheriku gawdiida oo gurata keligeed dadkoo gaajo wada hayso NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 13.gabaldaye sidiisii midii gelinba meel aada gacalkiyo xigaaladu midaanay guriga soo booqan NINKII GUURSADOW YAAN HADHOW GOCOSHO KAA YEEDHIN 14. garashiyo xishoodbaa ilaah wada gudoonsiiyey miisaanka aan lagu gembiyin gaabashana yeelan midab aan gaduudna u badnayn madowna guudfuulin garaaryihiyo laafyaha xubnaha laysku wada gooyey gaarrinimo kartiyi weheliso gudata hawsheeda MARWADAAS NINKII GUURSADOW GUUL KA FILO QOYSKA.

No comments:

Post a Comment