Wednesday, May 8, 2013

Buuga diiwaanka heesaha qoraalka ah iyo gabayada

Hadaan kugu waalan gaadhay Wadnaha kugu habi jiree Sidii wali lisiraadliyo Weedhadune ila cusleed Hadaan waji gabax ka qaade Hadaad waan toobi weysay Wanaagi bohol ka tuurtay Wareerka maxaa ibaday Maalmo.com Warhooy weyne waa illaah Walaacii wuu dhamaade Anigu wardi caashaq kuma jiro Wiilow wajigaga iga qari Hadaan wehel caashaq buushay Hadaad igu wiirsan gaartay Waayo badan kuu samraayay Wayeelki hadal ka diiday Hadeey walwal la’aan ku heysay Waaridu iga raaci gaartay Markuu axdigeeni wiikhmay Hadaad waajibkaagi seektay Wadadu heedhe waa labee Walaacii wey dhamaade Anigu wardi caashaq kuma jiro Wiilow wajigaga iga qari Ani sidey ila noqotay wayay >>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>> Wanaag baan kugu ogaayeey waligay kuma ilaawoo waxuunbaa ku walaacinaaye walaalnimo aan ku waarno wadnahaygii baad ahaydee taan dunida ka weheshenaayey dadkoo idil ka daawanaaye daawadii naftay ahaydey samantaa la wada wadaagaa hoy sirta laga wada xumaadaa subaxdii eebe keenaba su’aal baad igu wadaayee Maalmo.com Waagii baryaba naftaydaay adaa walaac ku abuuree maxaa waajib weyn na saaran adna aad ka weecanaysaa wadnahaygii baad ahaydee taan dunida ka weheshenaayey dadkoo idil ka daawanaaye daawadii naftay ahaydeey samantaa la wada wadaagaa hoy sirta laga wada xumaadaa subaxdii eebe keenaba su’aal baad igu wadaayee Warsan baan kugu ogaayey waaxyahaygii baad ahaydee wadajirkeena oo wacan maxaad u wareerinaysa wadnahaygii baad ahaydee taan dunida ka weheshenaayey dadkoo idil ka daawanaayeey daawadii naftay ahaydeey samantaa la wada wadaagaa hoy sirta laga wada xumaadaa subaxdii eebe keenaba su’aal baad igu wadaayoo >>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>> Qamaray jacalyku quraan layska saariyo wax ka qabasho leeyahay qudhii qays markuu jaray layla qolka galiyaaba hore looga quustee qaburaha inaan galo haatan ii qorsheysee qilaaf iga hor keentee waa inoo qiiyamaha Dhulku kala qaboobe meelan qaxar lahayniyo bidhantii qoryooley qaadir kugu abuuryeey indho qabad wanaagey Maalmo.com Sida roob qayoodoo qaboonada intuu gaadhay dhirtu wada qarsoontee qaybisay midhaha iyo lagu soo qamaamiyo qool baxay la moodyey adigaa i qoomoo qancimaayo jeeraan isu qayb ahaaniyo quud aan waadaagnee Dhulku kala qaboobe meelan qaxar lahayniyo bidhantii qoryooley qaadir kugu abuuryeey indho qabad wanaagey

No comments:

Post a Comment