Wednesday, May 8, 2013
Buuga diiwaanka heesaha qoraalka ah iyo gabayada
Ninka Isku Jilciya Xaaskiisa oo la Ogaaday in Qoyskoodu Waaro (Hadhwanaagnews) Sunday, May 05, 2013
Arizona (HWN)-?Inaad noqoto nin xaaskiisa u nugul oo la qabta hawlaha guriga, waxay arrintaasi kuu horseedaysaa inaad ku guulaysato oo qoyskaagu waaro, wax khilaaf ahna idinka dhex qarxin adiga iyo ooridaada oo aan cid kale
Arizona (HWN)-?Inaad noqoto nin xaaskiisa u nugul oo la qabta hawlaha guriga, waxay arrintaasi kuu horseedaysaa inaad ku guulaysato oo qoyskaagu waaro, wax khilaaf ahna idinka dhex qarxin adiga iyo ooridaada oo aan cid kale idin soo kala dhex gelin.? Sidaa waxaku dhawaaqay khubaro cilmiga arrimaha bulshada ku takhasustay oo ka tirsan Jaamacadda Arizona ee dalka Maraykanka.
?Haddii odayga reerku uu noqdo nin adag oo aan u jilicsanayn gabadhiisawaxay keentaa in inta badan buuq iyo sawaxan joogto ah dhexmaro lammaanahaas oo aanay marna heshiis, murankooduna bato,? ayey khubaradu ku yidhaahdeen daraasad cusub oo ay dhowaan soo saareen.
Mrs. Casey Totenhagen iyo kooxda cilmi-baadhistan la diyaaryey oo maalin kasta xog-ururin ka qaadayey 154
lammaane oo is-guursaday iyo qaar aan weli is-mehersan oo xidhiidhkooda jacayl socday 6 bilood ilaa 44 sannadood, iyagoo diiwaangelinayey dhammaan dhaqdhaqaaqyada nololeed ee ay sameeyaan, kadibna waxa la weydiinayey lammaanaha isku faraxsan ee muddada dheer wada joogay iyo waqtiga ay isu keliyeystaan.
Maxsuulka soo baxay xog-ururintaas ayaa waxa uu noqday in lammaanaha hawsha guriga wada qabta, waqtiyo gaar ahna wada sheekaysta ee sida fiican u kaftama inay noloshooda dambe isku waaraan oo aan marna muran kala fogeeya soo dhexgelin, gaar ahaan waxay cilmi-baadhistu ragga u soo jeedisay inay u beer nugladaan xaasaskooda nolosha la wadagayaan.
?Lammaanayaasha isku buuqa waa kuwa aan hadallada naxariista ah inta badan ku hadal ee aan kaftankawadaagin, balse sida noo soo baxay lammaanaha kaftan wadaaga ah ee saygu xaaskiisa hawsha guriga wax kala qabto waxay noqdaan qaar aan weligood kala fogaan, wadka oo kala kaxeeya mooyaane,? ayey tidhi Totenhagen
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment