Monday, April 29, 2013
Buuga diiwaanka suugaanta iyo heelooyinka
Garashada dayoowdaay
Isma dhaanta dirirtaay
Dibjir wada sarkhaamoo
Darandoori laba dhinac
Danab iyo madaafiic
Magaaladii ku dumisaay
Xageebaad hadhoow dagi
Taladaba kumeey darin
War hooy aan idiin digo
Ha la is dilo xal ma ahee
Dadku nolol ha raadshee
Sida maad ka daysaan
Armeey digasho reebtaa
Dib armeey u eedaa
Dagaalkii sokeeyaha
Armeey caro is dooxdaa
Sida duulki algu rogay
Armaa daadku qaadaa
Armeey dawgashiyo taah
Hurdadaba la diidaa
Taladaba kumeey darin
War hooy aan idiin digo
Ha la is dilo xal ma ahee
Dadku nolol ha raadshee
Sida maad ka daaysaan
Xal beey waayi doontaa
Dhalanbaabi beey noqon
Mawjadaa daf siinoo
Waxa sidii dabeylaha
Dar xumeey ku noolaan
Kala durugsanaantiyo
Waa waxa loogu dawgalay
Dacar ineey kabootee
Taladaba kumeey darin
Waa waxa loogu dawgalay
Ineey dacar kabootee
Taladaba kumeey darin
War hooy aan idiin digo
Ha la is dilo xalma ahee
Dadku nolol ha raadshee
Sida maad ka daysaan
Taladaba kumeey darin
Abaayo
Ibrahim Baadil Iyo Faadumo Duur
Kal gacalyka geeskaaga abaayo
adna yaanu ku gees marine abaayo
giijiyoo hasii deynin abaayo
Faaduma Duur
Kalgacaylkii guumoowyee aboowe
igu noqey maguuraane aboowe
gal galsho hurdadii nacaye aboowe
Ibrahim Baadil
Kal gacalyka geeskaaga abaayo
adna yaanu ku gees marine abaayo
giijiyoo hasii deynin abaayo
Faaduma Duur
Garanuug sideediiyeey aboowe
kali socoto moyaane aboowe
ma salaamo gacalkeeye aboowe
Ibrahim Baadil
Galabta caawa aheey
farxadiyo damashaadkani
guri galkeena weeyaane
Faaduma Duur
Mar hadaynu galabtaba
goobeyney sheekadiiyeey
caawa aan gam'aayaaye
Ibrahim Baadil
Galabta caawa aheey
farxadiyo damashaadkani
guri galkeena weeyaane
Faaduma Duur
Mar hadaynu galabtaba
Ibrahim Baadil
Waliba caano iyo waliiba caan iyo
guulahaan ka barinaye
sidaa garo gacaladaay sidaa garo gacaladaay
Faaduma Duur
Gurkaagu waa sharaf
gurkeynu waa sharaf
guri barwaaqiyo gabadh
guulehay hanagu simo
Beyddka Labbad
Ibrahim Baadil
Gacmahaagu waa dahabey abaayo
wardigan fargashiga ahay abaayo
iga guudoon oridaydaay abaayo
Faaduma Duur
Muuqa isla gaba xidhiye aboowe
leylana god ka u dhigay aboowe
cilmina geesaha u dhigay aboowe
Ibrahim Baadil
Gacmahaagu waa dahabey abaayo
wardigan fargashiga ahay abaayo
iga guudoon oridaydaay abaayo
Faaduma Duur
Kaa gudoomey aniguye aboowe
geedkeena caashaqey aboowe
midhihiisii maan gurane aboowe
Ibrahim Baadil
Gidigood haweenkoo idil
adaan kaa gacloodoo
gooni kuu ahaadee
Faaduma Duur
Mar hadaynu galabtaba
goobeyney sheekadiiyeey
caawa aan gam aayaaye
Ibrahim Baadil
Gidigood haweenkoo idil
adaan kaa gacloodoo
gooni kuu ahaadee
Faaduma Duur
Mar hadaynu galabtaba
goobeyney sheekadiiyeey
caawa aan gam aayaaye
Ibrahim Baadil
Waliba caano iyo waliiba caan iyo
guulahaan ka barinaye
sidaa garo gacaladaay sidaa garo gacaladaay
Faaduma Duur
Gurkaagu waa sharaf
gurkeynu waa sharaf
guri barwaaqiyo gabadh
guulehay hanagu simo
Ibrahim Baadil
Waliba caano iyo waliiba caan iyo
guulahaan ka barinaye
sidaa garo gacaladaay sidaa garo gacaladaay
Faaduma Duur
Gurkaagu waa sharaf
gurkeynu waa sharaf
guri barwaaqiyo gabadh
guulehay hanagu simo.
Dhoof nooli kulantee
Kuluc
Jacaylkan I dhaawacey
Jaceylkan idhalan rogey
Jacaylkan idhaansadey
Jaceylkii dhabta ahaa
Soo dhawaatey halistii
Markaad iga dhaqaaqdee
Bal inaan ku dhiirado
Dhexdaan xidhanayaa
Malmal baan dhiteeysanee
Dhoof nooli kulantee
Ha dhalantaalin caashaqa
Dhakso iigu soo noqo.
Magool
Anba dhiigu kama fulo
Dhanbaal wadaha beerkoo
Sidaan dhaxal u yeeshuu
Idhex dagey ma guuree
Waxan dhuuni ka cunaa
Dhan dhanaansi kaliyee
Way dhaamisaa weel
Ilmada iga dhaceeysaa
Dhabankayga qooysee
Dhawr nabad kusii joog
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso waan usoo noqon.
Kuluc
Dhaqaaq toobiyaha qaad
Dhulku taago taago
Dharaartuna dalaalimo
Malaa igao ku dhawroo
Wax ku dhiba ilaahey
Kuuma soo dhaweeyee
Gaadiidkana mid aan dhicin
Dheeliyeen usii raac
Dhakhso meel walba u taga
Dhoof nooli kulantee
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso iigusoo noqo.
Magool
Jacayl aan dhamaaneyn
Jacayl aan I dhaafeeyn
Dhuuxiyo wadnaha galey
Jacaylkii dhulkeeygiyo
Halkan igu dhibaayaan
Debed u dhoofinayaa
Waan soo dhiibi doonaa
Dhanbaal iyo waraaqo aan
Dhiig kusoo qoraayee
Dhawr nabad kusii joog
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso waan usoo noqon.
waxaan sida u dhibta yar idiinku soo gudbineynaa heesihiina afka soomaaliyeed si aad uga haqab beeshaan micno iyo nuxurba
Cajebey cajiib
tubeec
Cajebey cajiibeey
Cawo iyo ayaaneey
Caqligaad xadaysaa
sida geed cal iyo buur dheer
Carro-hodan ku yaalloo
Cokanoo irmaanoo
Dhirta kale ka caynoo
Hoobaan casuus lihi
Laamaha is-celisoo
Ubaxuna tin iyo cidhib
Kaga dhigay cabbaadhyiyo
Dusha sare caleentii
Cidhifka is la gaadhaan
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caashaqo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen
Cad waxaad wadaagtaan
Dhulka oo cagaarloo
Cosobkii is gaadhiyo
Cagta meel la saaroon
La cuskado la haynoo
Fiid cawl horaantii
Cirka oo daruuruhu
Ku dhigeen canjiidaha
Dayixiyo cadceeduna
Cidhifyada ka joogaan
Sagal caasha saaraad
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caashaqo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen
Sida faras cag fududoo
Cadda horor yaqaannoo
Gulufkiyo colaadaha
Ninka lihi cad goostaa
Raggu kuu cugtamayaa
Cimri dherer hadhkaagaan
Inay kula caweyaan
Culimada jacaylkee
Cawdeyda gooysee
Ii cadaadinaysaa
U calool yoobayaa
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caashaqo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen
balaan kula Dardaarmee
sahra Axmed
Dawadii nafteydoow
balaan kula dardaarmee
dabuubtaan ku leeyahey
ku daabaco qalbiga oo
waligaa hasii deyn
duushayee allow nabadey
qoraxduna dalaalimo ee
caashaqana daadihi
waliga hasii deyn
Xassan Adan
Darmaan taan jeclaayey
balaan kula dardaarmee
dantu wada jir weeyee
docdaada yey ka beylihin
anna teyda igu daa
dunida oo barwaaqa ahey
dalka nabad ku sii joogee
caashaqana daadihi
waligaa hasii deyn
Sahra Axmed
Dayaxii iftiimow
balaan kula dardaarmee
dumarkana adoo kale
ta heshaa ma deysee
dookhaaga ka adkow
duushayee allow nabadey
qoraxduna dalaalima ee
caashaqana daadihi
waliga hasii deyn
Xassan Adan
Deymada u rooney
balaan kula dardaarmee
kuwa loogu dow-galey
labadii is doortee
kala dila dadka is jecel
ayaaney isku keen dirine
dunida oo barwaaqa ahey
dalka nabad ku sii joogee
caashaqana daadihi
waligaa hasii deyn
mudantii ahweynkay
maxamed mooge
Mudantii haweenkaay
marwadii la sheegee
dadku wada majiirtaay
dumar lama mid dhigayee
muxubada kal gacalkaa
laanyahay magooshee
midhihiyo caleentiyo
manka lagu talaalee
ubax lagu mariimee
qurux lagu manaystaay
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayee
muxibada kalgacalka
hadba soo mir kacayaa
Midhaha hadalku leeyey
ereygiisa ma huraan
waana loo mashxaradaa
midaa taaladeedaa
igu mayracaysaa
marti waa la sooraa
magan waa la bixiyaa
haw udhuran masuuge
maahmaahda sheegtayoo
dhibtan ha igu madinine
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayo
muxibada jacaylka
hadba soo mir kacayaa
Masalooyin dhawroo
mahadhooyideedaan
kuu marinayaaye
maqal waanadaydanoo
miisaan warkeygoo
caynkii xalaytoon
waaba midhiq ii odhan
madaxaanba duubtee
naftu way ku maagtayoo
kaa maar mi waydayee
mudo aan yaraynbaan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenada
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayo
muxibada jacaylkaa
Cabdi Tahliil
Onkod roobku madaayo
aarna taaha madaayo
anna taa ma ilaawoo
jacayl ood rogan maayo
oon hilaac bi in maayo
ayro weerar madaayo
ninlihi aamusi maaayo
ergo geesi madiidoo
ilaah tiisu ma oosho
calaf la iska ma ooto
ubax dayr ma qarsoomo
godka lay iskuma aayo
ifka la isu tudhaayee
iilka la isma gar gargaroo
aboor la iskama baajee
nabsi hayga amaahan
axdigii ina dhex yiiliyo
ha iloobin aqoontee.
Asaagay usha toosan
iyo ooda hagaagsan
hayiinkii asabaadee
madigii afar deeqa
inantiina ilwaadsan
ee asluubi u dheer tahay
sidaan u asteysto
kuu eegana yaaye
hadaan aamin idhaahdo
waa aqoonta haweene
oo rag iiga danbeeyo
halka ay ka cawayso
uur ku taalada maada
arimidiisa jacaylka
anigu soo dhaxli maayo
nabsi hay iga amaahan
axdigii ina dhex yiiliyo
ha iloobin aqoontee.
Sida oogta hilaaca
ileyskeeda cadceeda
amaantaada libaaxa
malaa waanad ogeyne
ayaan uurkiyo maanka
wadnahayga agtiisa
sida aayad ku taalaa
uumiyaha u tusaayee
haadii aanu ibleysku
iga kaa anbineynin
inaad ii tudhi weydo
eegi maayo koley
arin kuuma hambeynee
araartii haku deeqdo
sina hayga adkeysan
nabsi hayga amaahan
axdigii ina dhexyiiliyo
ha iloobin aqoontee
Waxaan ahay Bukaan Socod
Lafoole
Nimanyahoow dad lama beero
mana baxo sidii geed
ma ogtahihiin barbaarteenu
beec iyo xaraashaa maha
naf hadaad bilaash moodeen
dhul batrool ku jira maaha
macdan buur dusheed taala
qiimiga in badan dheere
kaligeey hadii aan bo ay
hadii aan baroor diiqo
baaqa yaa ila garan doona
waxa aan ahay bukaan socod e.
Nimanyahoow bulshada eega
qubuurahana soo booqda
inta wiil laxaad beeley
bukaan socodka tiro gooba
waloon beeni soconeeynin
beelina wax tari mayso
xukun baadil lagu raadshey
dhibta looga bixi maayo
kaligeey hadaan bo ay
hadii aan baroor diiqo
baaqa yaa ila garan doona
waxa aan ahay bukaan socod e
Nimanyahoow Alle ayaa boqora
cilmi iyo awood badan leh
bismilaahibaa dawo ah
Bogo daya kitaabka
badrad anaa xoog leh
iyo baawir lagu faano
Bukaase iyo Namruud iyo
Illeeyn hawl ku bogn waaye
Kaligeey hadaan Bo ay
hadii aan baroor diiqo
baaqa yaa ila garan doona
waxa aan ahay bukaan socod e
Views: 11489
Like Share Twitter
Comment
You need to be a member of Aduun to add comments!
Join Aduun
Comment by mustafe maxamed xusen on January 13, 2011at 2:04am
lafoole
asluub dumar iyo xisood
aqoon iyo qurux haween
marwadii eebahay
asaageed dhaafiyaay
ilayskii nuurayaay
ishaa ii macalinee
gayaanka adoo qudhaan
naftayda ku aaminee
adkaysaye inoo adkee
Comment by mustafe maxamed xusen on January 13, 2011at 2:01am
ninba wuxu ku taamaa
ama hees u tiriyaa
tixi gabay ku sheegaa
halka lagu talaalee
hawadiisu talaalee
uurkiisu tabayee
Comment by c/shakuur maxamed c/laahi mire on August 7, 2010 at 2:01am
waa gabaygan soo socda waxa tiriyey c/shakuur maxamed c/laahi mire
inan yahay daruur tiyo
biyaha dahab la moodee
u eeg dooga soo baxay
dallawada rag foofsaday
nimaan duunyo weli dhaqan
daarana useesnayn hayeeshee
cishqigu dagay dadna adiga
kuu jecel dawadiis ma garataa
mise inaad dalxiistiyo
waxaad haybsataan
dibad iyo dalaal shisheeyoo
ma danaysid sheekada
ubax yahaw dilaacee
aan dabaysha aragee
dayac laga ilaashoow
xidig yahay da'deedii
daayinkeedu dhaafshee
qurux loogu deeqaay
aawada halyeey dilan
Comment by mulki haji on June 21, 2010 at 1:38pm
jamaaljaamac05@hotmail.comMudantii haweenkaay
marwadii la sheegee
dadku wada majiirtaay
dumar lama mid dhigayee
muxubada kal gacalkaa
laanyahay magooshee
midhihiyo caleentiyo
manka lagu talaalee
ubax lagu mariimee
qurux lagu manaystaay
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayee
muxibada kalgacalka
hadba soo mir kacayaa
Comment by mxirse on April 14, 2010 at 1:09am
oll tx waad ku bahad santehiin rayegiina wanaagsan
Comment by liibaan daauud caalin on April 13, 2010 at 11:44pm
Ilbaxsanida hadalkiyo dagananto inan yahay waa waxaa dareentiyo nafta dammac galiyo kaga dortay kher dugsi dhaxanti ciliyoo dawadaaiitahax wadigoo daldheer jiraan halkan ka darema macanto wanku jeclahay
Comment by dalmar maxamed cabdalla on April 3, 2010 at 1:11pm
alla mahad le awood adagleh aduunyada nin noolow maxaa aragtay kuu laaban
Comment by indha deeraley on March 31, 2010 at 11:34am
asc belo cml
Buuga diiwaanka suugaanta iyo heelooyinka
cuddontaan jeclaayee
Canbar iyo udgoonee
Dhul cadar leh iyo cuud
Cusub iyo ugbaadee
Cirka oo da’ayoo
Calcalyada xareedee
Cuudku iyo xoolahu
Ka caleeye duleeka
Ciladooda leedahay
Maalmo.com
Ragu lama canaanoo
Ciil laguma beeree
Waxa lagu ciseeyaa
Caadada iyo dhaqankii
Layguna caka jiray
Soo taynu caashaqa
Ka ilaalin jirnay ceebtiyo
Cadaw so i joogaba
Caashay iskuma ogayn
So taynu ciidii
Ceelkii burcaadiyo
Carigeeni hooyaba
Caafimaad ku joognee
Isku caloofiyooween
Ragu lama canaanoo
Ciil laguma beeree
Waxa lagu ciseeyaa
Caadada iyo dhaqankii
Layguna caka jiray>>>>>>>>>>>>>
DHEEMANEY JACEYLKII
IGU NOQAY DHIRBAAXO
DHAAWAC HALISTA GAADHIYO
IGU QABAY DHIMBIILOO
DHUUXIYO LAFAHA BUU
DHAMAC UU IGA SHIDAYAA
INTUU DHIIGA RAACUU
DHAYAL IGU MAQUUNSHAY
DHUUNI WAA IGA JARAYO
HARAAD IGAMA DHAMAADO
HURDO WAA IIGA DHAARTO
DHULKA DHABAN MA SAARE
DHARAAR IYO HABEEN BAA
DHAWAQAAQU MARKUU
DHAGAHAY KUSOO DHACO
DHULKAA ILA WAREEGOO
SIDA BARAFKAAN DHALAALAAA.
Buuga diiwaanka suugaanta iyo heelooyinka
cuddontaan jeclaayee
Canbar iyo udgoonee
Dhul cadar leh iyo cuud
Cusub iyo ugbaadee
Cirka oo da’ayoo
Calcalyada xareedee
Cuudku iyo xoolahu
Ka caleeye duleeka
Ciladooda leedahay
Maalmo.com
Ragu lama canaanoo
Ciil laguma beeree
Waxa lagu ciseeyaa
Caadada iyo dhaqankii
Layguna caka jiray
Soo taynu caashaqa
Ka ilaalin jirnay ceebtiyo
Cadaw so i joogaba
Caashay iskuma ogayn
So taynu ciidii
Ceelkii burcaadiyo
Carigeeni hooyaba
Caafimaad ku joognee
Isku caloofiyooween
Ragu lama canaanoo
Ciil laguma beeree
Waxa lagu ciseeyaa
Caadada iyo dhaqankii
Layguna caka jiray>>>>>>>>>>>>>
DHEEMANEY JACEYLKII
IGU NOQAY DHIRBAAXO
DHAAWAC HALISTA GAADHIYO
IGU QABAY DHIMBIILOO
DHUUXIYO LAFAHA BUU
DHAMAC UU IGA SHIDAYAA
INTUU DHIIGA RAACUU
DHAYAL IGU MAQUUNSHAY
DHUUNI WAA IGA JARAYO
HARAAD IGAMA DHAMAADO
HURDO WAA IIGA DHAARTO
DHULKA DHABAN MA SAARE
DHARAAR IYO HABEEN BAA
DHAWAQAAQU MARKUU
DHAGAHAY KUSOO DHACO
DHULKAA ILA WAREEGOO
SIDA BARAFKAAN DHALAALAAA.
Buuga diiwaanka suugaanta iyo heelooyinka
maryuu u muuqda indhaha
magane aragaa tahoo
mohashada kalgacalkey
ku mililicaanoo
sida mayay aroor da,ay
adigaa milkiyo sharaf
maaxaya dhigoo
nafta meyracaaye
miirkii nafteydow
kala maarmi meynee
sida laba matanaa matanaa
aan mideyno caashaqa
mareer baxayoo magooloo
munadi ubaxa tahoo
maamuusta aragaa
maanshe wax dheertahe
meel joogsigaagiyo
muuqaaga quruxda leh
muraaqooday goortaan
mahaadada xasuuste
miirkii nafteydow
kala maarmi meynee
sida laba matanaa matanaa
aan mideyno caashaqa>>>>>>>>>>
Inanyahaw jamaalka iyo
Jaaha lagu manaaystay
Sidaan kuu jeclanahay
Jahwareeray aniguye hee hee X2
Doogi iyo ilwaadaa
Isoo jiidanayoo
Meeshii aad joogtaa
Jabaq iiga yeedhaa X2
Maalmo.com
Jiro iyo walaac baa
Naftaydi Jikaaroo
Jaamjaamay maante X2
Naftaydaa ku jamaate
Nolol kaa jeclaate
Kuu jeda adigoo
Jirif kaa sugaysee
Jaanta ha iga hayn X2
Qays iyo Laylaaa
iilka jiifee
Ha i jabinin nacabkee
Ha i jabinin
Ha i jabinin nacabkee
Jihadayda soo eeg>>>>>>>>>>>>>
Maalmaha qaloocaa
Hadii ay kaa marooraan
Waa muraayad waayuhu
Caashaqu ka muuqdee
Marbaan sida mayeedhaan
Mudo aamusaayoo
Isha midhiq ka siiyaa
Maalmo.com
Mar waxaan idhaahdaa
Siday tahey mar curad geel
Ilmii mawdku kal tagey
Maqaarsaarka ciidaa
Yaa maali jirayeey
Marbaan mawjadaha dheer
Maaxaa dhexdoodoo
Muuqeyga la arkaa
Laakiinse aan maqanahey
Intaasoo marxaladood
Anigoo kasoo marey
Ma huraan dhulkeeniyo
Ayan manta ka horow
Ma higaanku igu dhicin.
Waayaha ma duugaa
Hadii uu kaa madawyahey
Waa uguryo deebaaq
Caashaqa martiyayee
Marbaan mudanta ciida
Cadaw iga magoodiyey
Muragadeeda la ooyaa
Mar waxan idhaahdaa
Rag naftiisa mooyee
Maaree dhibaate
Mintidoo is diidsii
Muhashana sidkaa filo
Marbaan malaha beentaa
Muuq maryo u xidhey
Maaweeliyaayoo
Laakiinse ay maqantahey
Intaasoo marxaladood
Anigoo kasoo marey
Muharaan dhulkeeniyo
Ma naxaanka caashaqa
Ayaan manta ka horow
Mahuraanku igu dhicin>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>
Gobaadee galacalkii
Gudaheena yaaliyo
Gogashaan atkeestaa
Gunto olal ka baxisoo
Geedu adigu maahee
Maxaa guriga ii galay
Hebishii jacaylkaan
Gaadiid sidiisi
Ku sidaa garabaha
Gacalooy sidii baan
Gaabaha u cunayaa
Adiguna hagaagaxin
Anna guurimaayee
Maalmo.com
Gobbadee igama go’in
Guri yakleedahe
Daarahan astaantii
Gaarka kuu ahaydiyo
Guri labo galkaakii
Nin ogaabaa garan karo
Heshii jacaylkaan
Gaadiid sidiisi
Ku sidaa garabaha
Gacaylayoo sidii
Gaabaha u cunayaa
Adiguna hagaagaxin
Anna guurimaayee
Buuga diiwaanka suugaanta iyo heelooyinka
maryuu u muuqda indhaha
magane aragaa tahoo
mohashada kalgacalkey
ku mililicaanoo
sida mayay aroor da,ay
adigaa milkiyo sharaf
maaxaya dhigoo
nafta meyracaaye
miirkii nafteydow
kala maarmi meynee
sida laba matanaa matanaa
aan mideyno caashaqa
mareer baxayoo magooloo
munadi ubaxa tahoo
maamuusta aragaa
maanshe wax dheertahe
meel joogsigaagiyo
muuqaaga quruxda leh
muraaqooday goortaan
mahaadada xasuuste
miirkii nafteydow
kala maarmi meynee
sida laba matanaa matanaa
aan mideyno caashaqa>>>>>>>>>>
Inanyahaw jamaalka iyo
Jaaha lagu manaaystay
Sidaan kuu jeclanahay
Jahwareeray aniguye hee hee X2
Doogi iyo ilwaadaa
Isoo jiidanayoo
Meeshii aad joogtaa
Jabaq iiga yeedhaa X2
Maalmo.com
Jiro iyo walaac baa
Naftaydi Jikaaroo
Jaamjaamay maante X2
Naftaydaa ku jamaate
Nolol kaa jeclaate
Kuu jeda adigoo
Jirif kaa sugaysee
Jaanta ha iga hayn X2
Qays iyo Laylaaa
iilka jiifee
Ha i jabinin nacabkee
Ha i jabinin
Ha i jabinin nacabkee
Jihadayda soo eeg>>>>>>>>>>>>>
Maalmaha qaloocaa
Hadii ay kaa marooraan
Waa muraayad waayuhu
Caashaqu ka muuqdee
Marbaan sida mayeedhaan
Mudo aamusaayoo
Isha midhiq ka siiyaa
Maalmo.com
Mar waxaan idhaahdaa
Siday tahey mar curad geel
Ilmii mawdku kal tagey
Maqaarsaarka ciidaa
Yaa maali jirayeey
Marbaan mawjadaha dheer
Maaxaa dhexdoodoo
Muuqeyga la arkaa
Laakiinse aan maqanahey
Intaasoo marxaladood
Anigoo kasoo marey
Ma huraan dhulkeeniyo
Ayan manta ka horow
Ma higaanku igu dhicin.
Waayaha ma duugaa
Hadii uu kaa madawyahey
Waa uguryo deebaaq
Caashaqa martiyayee
Marbaan mudanta ciida
Cadaw iga magoodiyey
Muragadeeda la ooyaa
Mar waxan idhaahdaa
Rag naftiisa mooyee
Maaree dhibaate
Mintidoo is diidsii
Muhashana sidkaa filo
Marbaan malaha beentaa
Muuq maryo u xidhey
Maaweeliyaayoo
Laakiinse ay maqantahey
Intaasoo marxaladood
Anigoo kasoo marey
Muharaan dhulkeeniyo
Ma naxaanka caashaqa
Ayaan manta ka horow
Mahuraanku igu dhicin>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>
Gobaadee galacalkii
Gudaheena yaaliyo
Gogashaan atkeestaa
Gunto olal ka baxisoo
Geedu adigu maahee
Maxaa guriga ii galay
Hebishii jacaylkaan
Gaadiid sidiisi
Ku sidaa garabaha
Gacalooy sidii baan
Gaabaha u cunayaa
Adiguna hagaagaxin
Anna guurimaayee
Maalmo.com
Gobbadee igama go’in
Guri yakleedahe
Daarahan astaantii
Gaarka kuu ahaydiyo
Guri labo galkaakii
Nin ogaabaa garan karo
Heshii jacaylkaan
Gaadiid sidiisi
Ku sidaa garabaha
Gacaylayoo sidii
Gaabaha u cunayaa
Adiguna hagaagaxin
Anna guurimaayee
Insecticides
INSECTICIDES
Acephate Acetamiprid Alphacypermethrin Cartaphydrochloride Chlorpyriphos Cypermethrin Deltamethrin Dichlorovos Dicofol Dimethoate Endosulfan Ethion Fenvalerate Fipronil Imidaclorpid Lambda Cyhalothrin Malathion Monocrotophos Permethrin Profenofos Propoxur Quinalphos Sulphur Thiomethoxam Triazophos
75% SP 20% SP 3%, 5%, 10% EC & 10% SC 4% Granules, 50% SP 20%, 40%, 40.8%, 45%, 48%, 50% EC & 5% DP, 25% WP 5%, 10%, 20%, 25%, 35%EC 1.5%, 2.5%, 2.8%, 11% EC & 2.4% SC 76% EC 18.5% & 35% EC 40% EC 35%, 48% EC & 2%, 4% DP 46.5% & 50% EC 20% EC & 20% WP 2.5% EC, 5% EC & 4.95% SC 9.6% SL, 17.8% SL, 20% SL & 30.5% SC 1% WP, 10% WP, 2.5% EC & 5% EC 40%, 48%, 50%, 57%EC & 5% DP, 25% WP, 50% WP 36% & 40% SL 5% & 10% EC 43% & 50% EC 1% DP 25% EC, 40% EC 80% WP 25% WDG 20% EC, 40% EC
Insecticides
INSECTICIDES
Acephate Acetamiprid Alphacypermethrin Cartaphydrochloride Chlorpyriphos Cypermethrin Deltamethrin Dichlorovos Dicofol Dimethoate Endosulfan Ethion Fenvalerate Fipronil Imidaclorpid Lambda Cyhalothrin Malathion Monocrotophos Permethrin Profenofos Propoxur Quinalphos Sulphur Thiomethoxam Triazophos
75% SP 20% SP 3%, 5%, 10% EC & 10% SC 4% Granules, 50% SP 20%, 40%, 40.8%, 45%, 48%, 50% EC & 5% DP, 25% WP 5%, 10%, 20%, 25%, 35%EC 1.5%, 2.5%, 2.8%, 11% EC & 2.4% SC 76% EC 18.5% & 35% EC 40% EC 35%, 48% EC & 2%, 4% DP 46.5% & 50% EC 20% EC & 20% WP 2.5% EC, 5% EC & 4.95% SC 9.6% SL, 17.8% SL, 20% SL & 30.5% SC 1% WP, 10% WP, 2.5% EC & 5% EC 40%, 48%, 50%, 57%EC & 5% DP, 25% WP, 50% WP 36% & 40% SL 5% & 10% EC 43% & 50% EC 1% DP 25% EC, 40% EC 80% WP 25% WDG 20% EC, 40% EC
Subscribe to:
Posts (Atom)