Wednesday, November 20, 2013
Maahmaahyo
711. ood is qabsatay maroodina way qarisaa.
712. Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto.
713. Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
714. Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa
715. Oodo dhacmeed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa.
Xarafka "Q" Dib u laabo
716. Qaadis iyo jiidis waa isla guryo geyn.
717. Qalbigu laba ruux ma wada qaado.
718. Qawl nin wayn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday.
719. Qaybshe qad ama qaaday.
721. Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto
722. Qof caashaq hayaa wax ka calaancal badan(C)
723. Qof nool oo ku hortaagan lagama quusto.
724. Qof walba qumanihiisaa qoorta ugu jira.
725. Qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa.
726. Qof waliba intuu cunuu ciidamiyaa
727. Qofkii aragiisu ku deeqaa oontiisuna ku deeqdaa.
728. Qoryo adistooda isku duwis baa horreysa
729. Qosol badani qoonsimaad noqoy.
730. Qosol hiil leh.
731. Qosol qoonsimaad noqay.
732. Qufac iyo uur midna ma qarsoomo.
733. Qunyar socde qodaxi ma mudo.
734. Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
735. Quud aan jirin qoryo u guro.
Xarafka "R" Dib u laabo
736. Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
737. Raad arrooryo dib looma raaco.
738. Rag gar baa kala saarta dumarna jaan(c)
739. Rag hunguri buu isku raacaa.
740. Rag jidiin baa walaaleeya.
741. Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
742. Rag qawl baa xidha dumarna meher.
743. Rag sadex lama raaco, ma fakere,ma faaidayste,ma foorarsade.
744. Rag waa arin keen iyo aqbalkeen.
745. Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi
747. Rag waa shaah dumarna waa sheeko.
749. Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
750. Rag waxa ugu faan badan mar dhoof iyo mar duul.
751. Rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare.
752. Rag waxa ugu liita looma maahmaahe, looma sheekeeye, looma soo gale.(c)
753. Rag waxa ugu liita, ma hadle ma heenseeye, ma haasawshe(C)
754. Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa.
755. Ragi sadex bay ku kala baxaan , wax tegay ka hadhidii, wax jooga ka hadalkii, wax soo socda ka haloosigii.
756. Ragu sadex waa iskaga mid. Magaca, magta iyo maganta.
757. Ragu waxa uu ka sheekeeyaa biiisa dumarkuna badhaadha hooda.
759. Reer ba'ow yaa ku leh!
760. Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan.
761. Reer, naagbaa kaa raacda.
762. Reerka meelan loo husan looma haatiyo.
763. Ri waalan ridaada laguma xidhto
764. Riyuhu lugtooday shalan ku doontaan.
765. Roob magaalo ku hooray ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaan.
766. Run iyo ilkaba waa la cadeeyaa.
767. Runi rag kama nixiso
768. Ruux aan geeri iyo nolol midna ahayni/ ma dhiman mana noola.
769. Ruuxba dhiishuu ruxduu caanaheeda dhamaa.
Xarafka "S" Dib u laabo
771. Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.
772. Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe
773. Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
774. Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar, salaad ragcad ka yar,
775. Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.(C)
776. Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og,
777. Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.
778. Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye.
780. Saddex col baa jira, col cad , col cas, col madaw, colka cad waa biyaha,colka casna waa dabka ,colka madawna waa dadka.
781. Saddex la lama dego, doqon fiiro taqaan,fulay daandaansi yaqaan iyo geesi damac yaqaan.
782. saddexna la lama saaxiibo, nin aan rabi aqoon, nin aan rag aqoon iyo nin aan run aqoon.
783. Safar waa si wada yeel.
784. Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa
785. Sagaaro inteeda waa ku duq.
786. Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh
787. Sagaaro, mindhaa ima barato.
788. Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib.
789. Sakaaro laba tun oo laka qalo ma leh.
790. Salaadba waqtigeedaa la tukadaa
791. Samraa, sammo hela.
792. Sankaagoo qudhma lama gooyo.
793. Seedi waa beer
794. Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda.
795. Shan shidda ma macaysaa.
796. Shinbiri maalibay dab qaaday buulkeedii baanay ku gubtay.
797. Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka baxaa.
798. Shinbir duul duul badani af libaax bay gashaa.
799. Shinbirba shinbirkiisuu la duulaa.
800. Shinbiri laba geed ma wada gurato.
801. Shir looma wada uunsiyo
802. Shir naagood oo shan dhaafay waa shar
803. Shisheeye sheela duxa ma leh.
804. Shubaali waa biyo la bax.
805. Sidaan kuugu lisay iigumaad hanbayn.
806. Sidee xeego lagu xagtaa ilkana u nabad galaan
807. Sir ma qabe allaw sahana.
808. Sir naageed lama sal gaadho.
810. Si xun wax u sheege saaxir ka daran.
811. Sodcaal maa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna waa kaba cad.
812. Soo bax baa la leeyahay sacabka leefaysaa.
813. Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga helaa.
814. Soomaalidu been way sheegtaa beense ma maahmaahdo.
815. Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa.
816. Soomalidu waa indho ku garaadle.
817. Soor quudheed lama cuno xoolo quudheedse waa la qaataa.
818. Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago
Xarafka "T" Dib u laabo
1. Tabcadaa ma tuugoobo.
2. Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola
3. Talo laba adin dhexdood bay ka dhalataa
4. Tol la'aani waa tows.
5. Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa.
6. Toladu waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo
7. Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.
8. Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xoog weynaado.
9. Tuhun waa sed.
10. Tuug la qabtay talo ma laha.
11. Tuug tuug ma xado.
Maahmaahyo
830. Ul jiiftaa ma jabto.
831. Umili ilawshiinyo dhaw.
832. usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa.
833. ushaada nin aad ka qaadi kartaa loo dhiibtaa.
834. Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.
Xarafka "W" Dib u laabo
835. Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno
836. waa lagu shareeraa waxay sheegtaba ha waydee.
838. waalida ninkii soo baraa laga waraystaa.
840. waan xoolo yarahayna deeq lagagama hadho waan dad yarahayna dagaal lagagama hadho.
841. waano dhalan baa ka adag.(ka roon)
843. Waari mayside war hakaa hadho.
844. Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca.
845. waayeel hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa.
846. waayeel hortiisaa caano loogu badhxaa.
848. Wadaad waa nin
849. Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa.
850. Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
851. Wadar iyo waaxid yaa waalan
852. wadiiqada yari wadada wayn bay kugu ridaa.
853. Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa
854. wakhti kaa lumay muruguu reebaa.
855. wakhti kaa tegay tiigsimaad maleh.
856. Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa (dhaashadaa).
857. walaalkaa markhaatiga ku fur magtana la bixi.
858. walaalo is necebi way xoola yareeyaan wayna xabaalo badiyaan.
859. walaashaa iskuma hubtida seedigaa haysi seegina.
861. wan wayn jeeroo la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan.
863. war jiraaba cakaaruu iman.
866. war la'aani waa dhego laaan.
867. war xumi dugsi ma fadhiisto.
868. waraabaa yidhi ulna layla gaadhi waa cayna wax igama tarto
869. Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.
870. waraabe dhankii loo eryaaba waw toos.
871. Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa.
872. waranka ninka kugu dhufta iyo ninka kugu dhaqdhaqaajia ninka kugu dhaqdhaqaajiya ayaa xun.
875. Wax aad baratay waa baaskaa
876. Wax aqoon wax looma sheego.
877. wax is waydiintu ma xumee wax is waydaarsigaa xun.
878. Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay.
879. Wax la qarashaa ama qudhme ama qubte
880. wax raagaa rag kuma sama.
881. Wax rag kaa galay rako kaa gale.
882. wixii ay idho arkaan ayey ilko gooyaan
883. wax walba run moodaa rag ugu liita.
884. waxa jira sadex abaar, abaar geel ,abaar dumar iyo abaar rag. Abaar geel waa ilko laaan,
abaar dumar waa ubad laaan, abaar ragna waa arin laaan.
887. Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna looma dhinto.
888. Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin.
889. Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fajiciyaan
890. waxaanad heli karayn waxaanad u baahnayn baa laga dhigaa.
891. waxay ili aragto ayaa ilko gooyaan
893. weel waliba wixii ku jiruu dhididaa
894. weylasha biree dibigu ha ku quustee
895. Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa
896. wiilkii is waalaba wiil waabiyaa hela.
897. wixii faq lagu sheego fagaaray tagaan.
Xarafka "X" Dib u laabo
898. xaasidaw xoogga beel.
899. Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa.
901. xadhko geel ma wada xidhaan.
902. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan
904. Xalaafo waa Xoogii Xirsi Muude
905. Xarrago dumar xanuun ma leh
906. Xiiso iyo xoorba way gudhaan.
907. Xog mooge xaajo waa dilaa.
908. Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
909. Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato.
910. Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa
911. Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola
Maahmaahyo
ØSaddex Weeye Guurku.
B) Badhi badhi ku dhufo.
T) Badhi dab ku dhufo
J) Dab dab ku dhufo.
ØSaddex lama arrag:
B) Badhi Ciyi ah
T) Bellaayo laba qad ah.
J) Bakayle Tallaabsanaya.
ØSaddex Laguma Gallo.
B) Barqin aan caanno lahayn.
T) Billad aan boqor lahayn.
J) Ban aan farras lahayn.
ØSaddex Derriskaa Kugu Neceb:
B) Been baddan.
T) Baryo baddan.
J) Bugto baddan.
ØSaddex Berriga ayaa laga Hellaa:
B) Beer.
T) Belled.
J) Baabuur.
ØSaddex Lallama Heshiiyo:
B) Taxde Waddaad ah.
T) Talliye Jiite ah.
J) Turqato Naageed.
ØSaddex baa Dumar lagu Qabay:
B) Xilkasnimo
T) Xog'ogaal.
J) Xan La'aan.
ØSaddex baase Baddellay:
B) Xil ma saarna.
T) Xaal ma qabto.
J) Xerro ma leh.
Ø Saddex kuma daryeesho:
B) Dumaal haween.
T) Doqon sokeeye.
J) Dal shisheeye.
ØSaddex lagama xishoodo:
B) Dantaada raac.
T) Dirrir caddaawe.
J) Deeq lagu siiyo.
ØSaddex dumar hallaga hello:
B) Dawliid qurxoon hallaga hello.
T) Dabeecad fiican how u dhallato.
J) Dad aqoon leh ha noqoto.
ØSaddex lamma dego:
B) Doqon fiiro taqaan.
T) Fulle daandaansi yaqaan.
J) Bakeyle damac yaqaan.
ØDoqontu waa Saddex :
B) Duufley.
T) Darreenley.
J) Iyo Dirashallay.
ØSaddex uu Hoggaamiyuhu u baahan yahay:
B) Caqli.
T) Maal.
J) Samir.
ØSaddex Lallama saaxiibo:
B) Run ma yaqaan.
T) Rabbi ma yaqaan.
J) Rag ma yaqaan.
ØSaddex baa Rag uggu Liita:
B) Ma Toshe.
T) Ma Tashiishe.
J) Ma Tashadde.
ØSaddex Lama Raaco:
B) Ma horreeye.
T) Ma dambeeye.
J) Ma haasaawe.
ØSaddex Dumar baa uggu Wannaagsan:
B) Mid kaa toostay.
T) Mid kulla toostay.
J) Mid kuu toostay.
ØSaddex baa Rag uggu Darran:
B) Ma dhigte.
T) Ma dhaqe.
J) Ma dhaggeyste.
ØSadddex Baddaa lagga Hellaa:
B) Markab.
T)Doon.
J) Kalluun.
ØSaddex Raggu waa ka Simman yahay:
B) Maggaca.
T) Magta.
J) Muuqa.
ØSaddex baa Ba'ay:
B) Malle ba'ay.
T) Maggac ba'ay.
J) Maal ba'ay.
ØSaddex Illaahow Addaa Awood u leh:
B) Guursan maayee yaannan goblamin.
T) Xoogsan maayee xoollo isii.
J) Camal falli maayee caddaabta ha igeyn.
ØSaddex ma dhaqmaan:
B) Geel aan qawsaar lahayn.
T) Qabiil aan maddax xoor lahayn.
J) Adhi aan qawmiirte lahayn.
ØSaddex baa Raggu uggu Wannaagsan yahay:
B) Nin tolkii u naccas ah.
T) Nin shisheeyaha u naccas ah.
J) Nin reerkiisa u naag ah.
ØSaddex baa Rag uggu Darran:
B) Nin maqan oon la tebin.
T) Nin jooga oo aan la tirsan.
J) Nin taggaya oon la cellin.
ØSaddex –Saddex lamma Heshiiyaan:
B)Nin quudh Jeccel iyo Nimaan u quudhin.
T)Nin qab-weyn iyo Nimaan u baqa-qabin.
J)Nin qosol baddan iyo Nin quusimaad baddan.
ØRaggu waa Labiyo Tobanle:
Nin ragga iyo nin rag kalkaal ah; Rifle iyo rifle kalkaal; guddoon-raac iyo u gargaare; goor dhow iyo goox dhaliye; Yaa yidhi iyo Yeelli maayo; Uddub-xujo; Qudde; Dhurre; iyo Anna-way-kan.
ØSaddex Wayku Hoddaa:
B) Gardarro garrab og.
T) Gaajo gurri og.
J) Gabow geeri og.
ØSaddex baa Boqornimada kaa Qaadda:
B) Gar weecsan/ Gar eexo.
T) Gaccan gudhan.
J) Guddoon jillicsan.
ØSaddex baase Suldaan Siisa:
B) Gar toosan.
T) Gaccan furan.
J) Guddoon addag.
ØLaba WayKu Daba Socdaan:
B)Geeri T)Gabow.
ØSaddex midna faa'iido ma leh:
B) Fidhiqle rag.
T) Fudduda haween.
J) Fadhiya geel.
ØSaddex baa Rag ka arrimin jirray:
B) Wax jooga ka haddalkii.
T) Wax teggay ka hadhiddii.
J) Wax soo socda ka halloosigii
Sunday, August 25, 2013
Najma oo kale
kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo
20. dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe
21. dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade
22. inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye
23. dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye
24. dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde
25. sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere
26. inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya
27. dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa
28. dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya

Galmada iyo kacsiga
Borotiinnada laga helo cuntooyinka ay kamidka yihiin Hilibka cad sida Kalluunka iyo Digaagga iyo weliba Caanaha iyoFarmaajada cadi waxa ay sameeyaan hormoonno kordhiyakacsiga iyo rabitaanka ragga ee ku wajahan dumarka inay la sameyaan ciyaar macaan,
Hadaba Vitamiin A waxa uu kamid yahay waxyaabaha aan looga maarmin tamarsiinta habdhiska taranka ninka, isaga oo awood siiya qanjirka Borostaatka iyo Qooraha, kana qaybgala cusbooneysiinta unugyada dhinta iyo dardargelinta kuwa tabarta daran Fitamiin A waxa uu ka buuxaa Karootada iyo khudaarta iyo furutada fareeshka ah inteeda badan ee keena dar darta xoogan,
Hasa ahaatee vitamiin B1 isagu waxa uu gacan ka geeystaa xoojinta qanjirrada taranka iyo firfircooneynta insiimada qabta shaqooyinka bayolojiyeed ee jirka. Ninka uu fitamiinkaasi ku yaryahay waxaa ku dhaca tabar-darri, rabitaan la’aan iyo geedka oo ka raaracsama hawshii galmadana si wanaagsan u gudan waaya.
Vitimiin D, waxaa loogu yeeraa (Fitamiinka Jinsiga), maxaa yeelay waxa uu kamid yahay waxyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu daaweeyo madhalaysnimada. Wuxuu door weyn ka cayaaraa daryeelka tubbooyinka xawada ee ku jira xiniinyaha ragga, yaraantiisuna ugu badan ee ragga madhalaysnimada ku dhaliya. Fitamiinka waxa laga helaa khudaarta caleenleyda ah iyo Firileyda sida Qamadiga.
Hadaba Cuntooyinka la caddeeyey waxtarkooda waxa ugu horreeya kuwa caloosha dhaqso ugu shiidma, jirkana degdeg uga baxa sida tan,
1- Kalluunka iyo Aragoostada’Waxay kamid yihiinwaxyaabaha Borotiinnada iyo Vitamiinnada laga helo kuwa ugu wanaagsan qeeyb weyne ka qaata kulanka adag ee sariirta,
2- Hilibka Digaagga iyo Ukunta:- Degdeg bay xiidmaha ugu shiidmaan, xawadana waa ay kordhiyaan.
3- Digaaga,nooca Dagiiranka, hilibkoodu waxa uu hilibkoodu faa’iido gaar ah u leeyahay bekra-jebinta, waxaana arrintaasi bariga dhexe laga ogaaday kumanaan sano kahor. Masaaridu ilaa iyo maantadaan lajoogo qoyska cusub hilibka Shimbiraha uunbay uqooshaan habeenka aqalgalka,
4- Xummuska, Xumuska keligii ama isagoo malab lagu iidaamay. Caalimkii la oran jiray Ibnu Siinaa waxa uu qoray in Xummusku kordhiyo ragannimada iyo rabitaanka jinsiga, sidaa daraadeed waxa calaf looga dhigi jiray Faraska labka ah iyo Ratiga kolka la rabo inay dheddigooda abaahiyaan.
5- Basasha:- Basashu Geedka waykicisaa, xawadana ama biyaha ayeyna kordhisaa.
6- Baqdooniska (Parsley):- Waxaaba loo yaqaan Vitamiinka ubad dhalista.
7- Timirta:- Timirta waxaa ku jira Vitamiin D, madhalaysnimada ka hortaga, waxanay culimada qaar u yaqaannaan (Vitamiinka Taranka).
8- Jarjiirka (Rocket):- Waxa uu kordhiyaa samayska xawada ama minada iyo awoodda jinsiyeed ee ragga kordhisa qofkii ay biyihiisa iyo shaqadiisabadantahay ay dumarka u yiqnaan rag rag dhaafay,
9- Karootada, Waxay gacan ka geysataa daaweynta tabar-darrida guud ee jirka oo ay ku jirto ta jinsigu.
10- Karafiska (Gelery):- Waa firfircooneeye jinsiyeed fariid ah,waxaana loo isticmaalaa ansalaato ahaan.
11- Xabbat Sowdada:- Xawada ayay kordhisaa.
12- Heylka:- Heylka ay Soomaalidu shaaha ku darsadaan, waxa uu firfircooneeyaa wareegga dhiigga iyo rabitaanka jinsi ee qofka.
13- Sacfaraanka:- Ubaxa Sacfaraanka waxaa ku jira maaddooyin kordhiya awoodda jinsiga.
14- Lowska: Lowska (Fuul Suudaaniga) isaga waxaan lagulatartameyn kordhinta tirada iyo tayada xawada, iyadoy weliba intaa u dheer tahay kacsiga ninka iyo culayskiisa oo uu kordhiyo.
15- Sanjabiilka: Sanjabiilku caarkana wuu adkeeyaa calooshana jilciyaa, wuxuuna si gaar ah u cajabiyaa ragga cimrigoodu hore u batay.
16- Cabitaannada. Cabitaannada qaar baa jira kordhiya xawada, mar walba oo uu ninku cabana kacsi la miyir beelo , waxana uguhorreeya Qorfaha iyo Xulbada,

Subscribe to:
Posts (Atom)