Wednesday, November 20, 2013

Maahmaahyo

711. ood is qabsatay maroodina way qarisaa. 712. Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto. 713. Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn 714. Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa 715. Oodo dhacmeed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa. Xarafka "Q" Dib u laabo 716. Qaadis iyo jiidis waa isla guryo geyn. 717. Qalbigu laba ruux ma wada qaado. 718. Qawl nin wayn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday. 719. Qaybshe qad ama qaaday. 721. Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto 722. Qof caashaq hayaa wax ka calaancal badan(C) 723. Qof nool oo ku hortaagan lagama quusto. 724. Qof walba qumanihiisaa qoorta ugu jira. 725. Qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa. 726. Qof waliba intuu cunuu ciidamiyaa 727. Qofkii aragiisu ku deeqaa oontiisuna ku deeqdaa. 728. Qoryo adistooda isku duwis baa horreysa 729. Qosol badani qoonsimaad noqoy. 730. Qosol hiil leh. 731. Qosol qoonsimaad noqay. 732. Qufac iyo uur midna ma qarsoomo. 733. Qunyar socde qodaxi ma mudo. 734. Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga. 735. Quud aan jirin qoryo u guro. Xarafka "R" Dib u laabo 736. Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan. 737. Raad arrooryo dib looma raaco. 738. Rag gar baa kala saarta dumarna jaan(c) 739. Rag hunguri buu isku raacaa. 740. Rag jidiin baa walaaleeya. 741. Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha. 742. Rag qawl baa xidha dumarna meher. 743. Rag sadex lama raaco, ma fakere,ma faaidayste,ma foorarsade. 744. Rag waa arin keen iyo aqbalkeen. 745. Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi 747. Rag waa shaah dumarna waa sheeko. 749. Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa. 750. Rag waxa ugu faan badan mar dhoof iyo mar duul. 751. Rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare. 752. Rag waxa ugu liita looma maahmaahe, looma sheekeeye, looma soo gale.(c) 753. Rag waxa ugu liita, ma hadle ma heenseeye, ma haasawshe(C) 754. Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa. 755. Ragi sadex bay ku kala baxaan , wax tegay ka hadhidii, wax jooga ka hadalkii, wax soo socda ka haloosigii. 756. Ragu sadex waa iskaga mid. Magaca, magta iyo maganta. 757. Ragu waxa uu ka sheekeeyaa biiisa dumarkuna badhaadha hooda. 759. Reer ba'ow yaa ku leh! 760. Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan. 761. Reer, naagbaa kaa raacda. 762. Reerka meelan loo husan looma haatiyo. 763. Ri waalan ridaada laguma xidhto 764. Riyuhu lugtooday shalan ku doontaan. 765. Roob magaalo ku hooray ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaan. 766. Run iyo ilkaba waa la cadeeyaa. 767. Runi rag kama nixiso 768. Ruux aan geeri iyo nolol midna ahayni/ ma dhiman mana noola. 769. Ruuxba dhiishuu ruxduu caanaheeda dhamaa. Xarafka "S" Dib u laabo 771. Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin. 772. Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe 773. Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee. 774. Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar, salaad ragcad ka yar, 775. Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.(C) 776. Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og, 777. Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis. 778. Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye. 780. Saddex col baa jira, col cad , col cas, col madaw, colka cad waa biyaha,colka casna waa dabka ,colka madawna waa dadka. 781. Saddex la lama dego, doqon fiiro taqaan,fulay daandaansi yaqaan iyo geesi damac yaqaan. 782. saddexna la lama saaxiibo, nin aan rabi aqoon, nin aan rag aqoon iyo nin aan run aqoon. 783. Safar waa si wada yeel. 784. Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa 785. Sagaaro inteeda waa ku duq. 786. Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh 787. Sagaaro, mindhaa ima barato. 788. Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib. 789. Sakaaro laba tun oo laka qalo ma leh. 790. Salaadba waqtigeedaa la tukadaa 791. Samraa, sammo hela. 792. Sankaagoo qudhma lama gooyo. 793. Seedi waa beer 794. Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda. 795. Shan shidda ma macaysaa. 796. Shinbiri maalibay dab qaaday buulkeedii baanay ku gubtay. 797. Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka baxaa. 798. Shinbir duul duul badani af libaax bay gashaa. 799. Shinbirba shinbirkiisuu la duulaa. 800. Shinbiri laba geed ma wada gurato. 801. Shir looma wada uunsiyo 802. Shir naagood oo shan dhaafay waa shar 803. Shisheeye sheela duxa ma leh. 804. Shubaali waa biyo la bax. 805. Sidaan kuugu lisay iigumaad hanbayn. 806. Sidee xeego lagu xagtaa ilkana u nabad galaan 807. Sir ma qabe allaw sahana. 808. Sir naageed lama sal gaadho. 810. Si xun wax u sheege saaxir ka daran. 811. Sodcaal maa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna waa kaba cad. 812. Soo bax baa la leeyahay sacabka leefaysaa. 813. Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga helaa. 814. Soomaalidu been way sheegtaa beense ma maahmaahdo. 815. Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa. 816. Soomalidu waa indho ku garaadle. 817. Soor quudheed lama cuno xoolo quudheedse waa la qaataa. 818. Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago Xarafka "T" Dib u laabo 1. Tabcadaa ma tuugoobo. 2. Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola 3. Talo laba adin dhexdood bay ka dhalataa 4. Tol la'aani waa tows. 5. Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa. 6. Toladu waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo 7. Tolkaa maw talisay, mase tuugtay. 8. Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xoog weynaado. 9. Tuhun waa sed. 10. Tuug la qabtay talo ma laha. 11. Tuug tuug ma xado.

No comments:

Post a Comment