Tuesday, November 19, 2013

Maahmaahyo

ØSaddex Weeye Guurku. B) Badhi badhi ku dhufo. T) Badhi dab ku dhufo J) Dab dab ku dhufo. ØSaddex lama arrag: B) Badhi Ciyi ah T) Bellaayo laba qad ah. J) Bakayle Tallaabsanaya. ØSaddex Laguma Gallo. B) Barqin aan caanno lahayn. T) Billad aan boqor lahayn. J) Ban aan farras lahayn. ØSaddex Derriskaa Kugu Neceb: B) Been baddan. T) Baryo baddan. J) Bugto baddan. ØSaddex Berriga ayaa laga Hellaa: B) Beer. T) Belled. J) Baabuur. ØSaddex Lallama Heshiiyo: B) Taxde Waddaad ah. T) Talliye Jiite ah. J) Turqato Naageed. ØSaddex baa Dumar lagu Qabay: B) Xilkasnimo T) Xog'ogaal. J) Xan La'aan. ØSaddex baase Baddellay: B) Xil ma saarna. T) Xaal ma qabto. J) Xerro ma leh. Ø Saddex kuma daryeesho: B) Dumaal haween. T) Doqon sokeeye. J) Dal shisheeye. ØSaddex lagama xishoodo: B) Dantaada raac. T) Dirrir caddaawe. J) Deeq lagu siiyo. ØSaddex dumar hallaga hello: B) Dawliid qurxoon hallaga hello. T) Dabeecad fiican how u dhallato. J) Dad aqoon leh ha noqoto. ØSaddex lamma dego: B) Doqon fiiro taqaan. T) Fulle daandaansi yaqaan. J) Bakeyle damac yaqaan. ØDoqontu waa Saddex : B) Duufley. T) Darreenley. J) Iyo Dirashallay. ØSaddex uu Hoggaamiyuhu u baahan yahay: B) Caqli. T) Maal. J) Samir. ØSaddex Lallama saaxiibo: B) Run ma yaqaan. T) Rabbi ma yaqaan. J) Rag ma yaqaan. ØSaddex baa Rag uggu Liita: B) Ma Toshe. T) Ma Tashiishe. J) Ma Tashadde. ØSaddex Lama Raaco: B) Ma horreeye. T) Ma dambeeye. J) Ma haasaawe. ØSaddex Dumar baa uggu Wannaagsan: B) Mid kaa toostay. T) Mid kulla toostay. J) Mid kuu toostay. ØSaddex baa Rag uggu Darran: B) Ma dhigte. T) Ma dhaqe. J) Ma dhaggeyste. ØSadddex Baddaa lagga Hellaa: B) Markab. T)Doon. J) Kalluun. ØSaddex Raggu waa ka Simman yahay: B) Maggaca. T) Magta. J) Muuqa. ØSaddex baa Ba'ay: B) Malle ba'ay. T) Maggac ba'ay. J) Maal ba'ay. ØSaddex Illaahow Addaa Awood u leh: B) Guursan maayee yaannan goblamin. T) Xoogsan maayee xoollo isii. J) Camal falli maayee caddaabta ha igeyn. ØSaddex ma dhaqmaan: B) Geel aan qawsaar lahayn. T) Qabiil aan maddax xoor lahayn. J) Adhi aan qawmiirte lahayn. ØSaddex baa Raggu uggu Wannaagsan yahay: B) Nin tolkii u naccas ah. T) Nin shisheeyaha u naccas ah. J) Nin reerkiisa u naag ah. ØSaddex baa Rag uggu Darran: B) Nin maqan oon la tebin. T) Nin jooga oo aan la tirsan. J) Nin taggaya oon la cellin. ØSaddex –Saddex lamma Heshiiyaan: B)Nin quudh Jeccel iyo Nimaan u quudhin. T)Nin qab-weyn iyo Nimaan u baqa-qabin. J)Nin qosol baddan iyo Nin quusimaad baddan. ØRaggu waa Labiyo Tobanle: Nin ragga iyo nin rag kalkaal ah; Rifle iyo rifle kalkaal; guddoon-raac iyo u gargaare; goor dhow iyo goox dhaliye; Yaa yidhi iyo Yeelli maayo; Uddub-xujo; Qudde; Dhurre; iyo Anna-way-kan. ØSaddex Wayku Hoddaa: B) Gardarro garrab og. T) Gaajo gurri og. J) Gabow geeri og. ØSaddex baa Boqornimada kaa Qaadda: B) Gar weecsan/ Gar eexo. T) Gaccan gudhan. J) Guddoon jillicsan. ØSaddex baase Suldaan Siisa: B) Gar toosan. T) Gaccan furan. J) Guddoon addag. ØLaba WayKu Daba Socdaan: B)Geeri T)Gabow. ØSaddex midna faa'iido ma leh: B) Fidhiqle rag. T) Fudduda haween. J) Fadhiya geel. ØSaddex baa Rag ka arrimin jirray: B) Wax jooga ka haddalkii. T) Wax teggay ka hadhiddii. J) Wax soo socda ka halloosigii

No comments:

Post a Comment