Wednesday, May 18, 2016

18 may 2016

DAAWO MUUQAAL:-CIIDANKA SOMALILAND OO DHOOLATUS MILLATARI SOO BANDHIGAY IYO GAADO KA CIYAAR AY KU WAYNAYNAYAA 18KA MAY

18 may 2016

DAAWO MUUQAAL:-CIIDANKA SOMALILAND OO DHOOLATUS MILLATARI SOO BANDHIGAY IYO GAADO KA CIYAAR AY KU WAYNAYNAYAA 18KA MAY
DAAWO MUUQAAL:-CIIDANKA SOMALILAND OO DHOOLATUS MILLATARI SOO BANDHIGAY IYO GAADO KA CIYAAR AY KU WAYNAYNAYAA 18KA MAY

Wednesday, November 20, 2013

Maahmaahyo

547. Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada 553. Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan. 554. Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa 555. Naagi kun nin way la sheekaysataa kawna way ka guursataa. 556. Naagi naag lala qabo waa u col 557. Naagi nimay legdaan, kama kacaan. 558. Naagi ninkay legedo kama kacdo 559. Naago abaal ha u gelin amaahse ha u diidin 560. Naago badhaadhahooday ka sheekeeyaan, ragna ba'ooda 561. Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa 562. Naago iyo riyaba diifta ayey isku eryoodaan 563. Naago jileec iyo naxariis midna wax kuma laha 564. Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan 566. Naago nin ay yaqaaniin col ma moodaan 567. Naago waa belo loo baahan yahay. 568. Naago waa u samir ama ka simir. 569. Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa 570. Naago yaryarasi ma le 571. Naagtii caana xun dhigataa iyana ku murud la' 572. Naaguhu hoosiis bay hadh moodaan 574. Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican baa loo galaa, hadii kale banaankaa laga joogaa) 575. Naaso kor u jeeda nin arkaa, kuwo hoos u jeeda ma arko. 576. Nabad la'aani waa nolol la'aan. 578. Naf wax jecel allaa dhibay 579. Nafeey, nin ku doona ku waa. 580. Nafsi raaga rag iyo geel baa iska leh. 581. Nafsigu ma hadho. 582. Naftu orod bay kugu aamintaa. 583. Naftu waxay ogtahay ilaashataa. 584. Naxariis eebbe lagama quusto 586. Nimaad dhashay kuma dhalin. 587. Nimaad fadhiga kaga adag tahay looma saro kaco. 589. Nimaad kabahiisa tolayso, kafantaada tolaaya. 590. Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa. 591. Nimaan balan lahayni waa nin aan diin lahayn. 592. Nimaan dhididin ma dhergo 594. Nimaan dhul marin dhaayo malaha. 595. Nimaan hadlin habartiina wax ma siiso. 596. Nimaan hubsiimo lahayni war gal maaha(C) 597. Nimaan kuu furu doonin yuusan kuu rarin. 598. Nimaan naxariisan looma naxariisto. 599. Nimaan qaybin jirin haduu qaybiyo nimaan qadi jirin baa qada. 600. Nimaan qooq dilin maroodi ma dilo. 601. Nimaan shantaasi kaa dabaalin sharci kaama dabaalo. 602. Nimaan shaqaysan shaah waa ka xaaraan. 603. Nimaan shaqaysan shaxaad baa dila 604. Nimaan waxa jooga garanin waxa soo socdana ma garto. 606. Nimay meeli buktaa isagay balbashaa 607. Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya 608. Nin aan baqani ma bad baado. 609. Nin aan dhididin ma dhargo. 610. Nin aan dulqaadasho lahayni waa geel aan horwayn lahayn. 611. Nin aan hadlin habartiisba qadisay 612. Nin aan kuu furayni yuu kuu rarin 613. Nin aan maahmaahin cod kar maaha(C) 615. Nin aan wax garad ahayn haanta gadaankeedaa wax loo saaraa nin wax garad ahna daaqsin geel. 616. Nin aanad maalin ku baranin sanad kuma baratid. 617. Nin abaal gala wax badan baa la arkaa ninse guda wax yar baa la arkaa. 618. Nin ani yidhi dad iska saar.(sooc) 620. Nin buka boqol u tali. 621. Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato. 623. Nin daad qaaday xunbo cuskey 624. Nin dameero dabadood ka degay meel uga tooban buu waayey. 625. Nin dameero rartaa dad la toy ma aha. 626. Nin dhintay kabihiisaa dhaama. 627. Nin durbaan tumay ilaaq dalbay. 628. Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay. 629. Nin duulay dantii kaa og 630. Nin faash wataa xaabo ma waayo. 631. Nin fadhiya, looma saro joogsado. 632. Nin faruurani ma fooryo. 633. Nin gu kaa wayn garaad kaa wayn. 634. Nin hadduu isukaa waalo waa laysla waalaa. 635. Nin ilko waa wayn haduu dhintona inuu qoslayaa la moodaa. 636. Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela. 637. Nin is faanshay waa ri is nuugtay. 639. Nin iyo naag is qaba colna ma aha nabadna ma aha. 640. Nin iyo qabkiis. 641. Nin jiifa lama legdo. 644. Nin kaa wayna waxba looma sheego.nin dheerna waxba looma tilmaamo. 645. Nin kaligii tashaday waa nin orgi rartay. 646. Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo. 647. Nin ku arkaaya looma saro kaco. 648. Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og. 650. Nin kuu digay kuma dilin. 651. Nin la dhacay ama caytan ama habaartan. 652. Nin la sugayoow adna yaad sugin 653. Nin lagu seexdaw ha seexan. 654. Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid. nin maalin ma gaadhid oo waa ninka kaa faraska dheereeya, nin sanad ma gaadhid oo waa ninka xoolihiisu sanadkaa meel caws badan daaqiyey, nin weligaa ma gaadhid oo waa ninka kaa gabadha/naagta wanaagsan. 655. Nin magaalo ka dudaw siigo yare 656. Nin mar waashay waalida loogama sheekeeyo. 657. Nin nin kaaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna laguma deg dego. 658. nin ood sida iyo nin adhi la joogaa arin ma kala laastaan. 659. Nin ooman biyaha hoo baa deeqa. 661. Nin qoyani, biyo iskama dhowro. 662. Nin qurux badan naagtaada uga yaab nin fool xuna naftaada uga yaab. 663. Nin rag ah looma duur xulo. 664. Nin reer ugu wayn iyo naag naag ka umulisay midna siday wax u arkaan uma sheegaan. 666. Nin sigtay ma nabad gelin 668. Nin soo fadhiiso laga waayo soo seexaa laga helaa. 669. Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday. 671. Nin tuur lihi sida uu u seexdo isagaa kaa yaqaan. 673. Nin waalan tolkii baa u miyir qaba. 675. Nin walba intay taagtii tahay baa qoraxdu ugu tagtaa. 676. Nin walba meeshii buktaa belbesha. 677. Nin waliba waxa uu yahay ayuu ku moodaa. 678. Nin war kuu keenay war kaa qaad. 679. Nin wax dhaqay dhurwaana wax u dhaq. 680. Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed. 681. Nin wayn tag lama yidhaahdee wuxuu ku tagaa la tusaa. 683. Nin wayni waa qorax casar joogta. 684. Nin wayni wadkiisa waa yaqaan. 687. Nin xil qaaday eed qaad. 689. Nin xoola ku siiya in badan baad aragtaa ninse talo ku siiya wax yar baad aragtaa. 690. Nin yari waa nin ban soo ordaya. 691. Nina dabeecadiisa lama doorin karo. 692. Ninaan hadlin, hooyadiis qadisay. 693. Ninba curadkiisa ceel gee. 694. Ninba gurigii gaado ku leh 695. Ninba kaskiisuu kor tagaa. 696. Ninka aan hadalka suginin warrankana ma sugo. 697. Ninka aragiisu ku deeqo ayaa oontiisuna ku deeqdaa. 698. Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii. 699. Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa. 700. Ninkii dhagar qaba dhulkaa u dhaqdhaqaaqa. 701. Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer 702. Ninkii geed fuulay asigi lee kasoo degi 703. Ninkii seexdaa sixii dibi dhalay. 704. Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada. 705. Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara. 708. Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana Aadmibaa arka. 709. Ninna caadidii ma daayo, bahalna ceedhin ma daayo. 710. Nin meeli u cadahay meeli ka madaw. 711. Nin caadadii ka maydh iyo dundumo ciid ka maydh labadaba waa lagu daalaa.

Maahmaahyo

711. ood is qabsatay maroodina way qarisaa. 712. Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto. 713. Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn 714. Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa 715. Oodo dhacmeed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa. Xarafka "Q" Dib u laabo 716. Qaadis iyo jiidis waa isla guryo geyn. 717. Qalbigu laba ruux ma wada qaado. 718. Qawl nin wayn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday. 719. Qaybshe qad ama qaaday. 721. Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto 722. Qof caashaq hayaa wax ka calaancal badan(C) 723. Qof nool oo ku hortaagan lagama quusto. 724. Qof walba qumanihiisaa qoorta ugu jira. 725. Qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa. 726. Qof waliba intuu cunuu ciidamiyaa 727. Qofkii aragiisu ku deeqaa oontiisuna ku deeqdaa. 728. Qoryo adistooda isku duwis baa horreysa 729. Qosol badani qoonsimaad noqoy. 730. Qosol hiil leh. 731. Qosol qoonsimaad noqay. 732. Qufac iyo uur midna ma qarsoomo. 733. Qunyar socde qodaxi ma mudo. 734. Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga. 735. Quud aan jirin qoryo u guro. Xarafka "R" Dib u laabo 736. Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan. 737. Raad arrooryo dib looma raaco. 738. Rag gar baa kala saarta dumarna jaan(c) 739. Rag hunguri buu isku raacaa. 740. Rag jidiin baa walaaleeya. 741. Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha. 742. Rag qawl baa xidha dumarna meher. 743. Rag sadex lama raaco, ma fakere,ma faaidayste,ma foorarsade. 744. Rag waa arin keen iyo aqbalkeen. 745. Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi 747. Rag waa shaah dumarna waa sheeko. 749. Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa. 750. Rag waxa ugu faan badan mar dhoof iyo mar duul. 751. Rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare. 752. Rag waxa ugu liita looma maahmaahe, looma sheekeeye, looma soo gale.(c) 753. Rag waxa ugu liita, ma hadle ma heenseeye, ma haasawshe(C) 754. Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa. 755. Ragi sadex bay ku kala baxaan , wax tegay ka hadhidii, wax jooga ka hadalkii, wax soo socda ka haloosigii. 756. Ragu sadex waa iskaga mid. Magaca, magta iyo maganta. 757. Ragu waxa uu ka sheekeeyaa biiisa dumarkuna badhaadha hooda. 759. Reer ba'ow yaa ku leh! 760. Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan. 761. Reer, naagbaa kaa raacda. 762. Reerka meelan loo husan looma haatiyo. 763. Ri waalan ridaada laguma xidhto 764. Riyuhu lugtooday shalan ku doontaan. 765. Roob magaalo ku hooray ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaan. 766. Run iyo ilkaba waa la cadeeyaa. 767. Runi rag kama nixiso 768. Ruux aan geeri iyo nolol midna ahayni/ ma dhiman mana noola. 769. Ruuxba dhiishuu ruxduu caanaheeda dhamaa. Xarafka "S" Dib u laabo 771. Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin. 772. Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe 773. Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee. 774. Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar, salaad ragcad ka yar, 775. Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.(C) 776. Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og, 777. Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis. 778. Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye. 780. Saddex col baa jira, col cad , col cas, col madaw, colka cad waa biyaha,colka casna waa dabka ,colka madawna waa dadka. 781. Saddex la lama dego, doqon fiiro taqaan,fulay daandaansi yaqaan iyo geesi damac yaqaan. 782. saddexna la lama saaxiibo, nin aan rabi aqoon, nin aan rag aqoon iyo nin aan run aqoon. 783. Safar waa si wada yeel. 784. Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa 785. Sagaaro inteeda waa ku duq. 786. Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh 787. Sagaaro, mindhaa ima barato. 788. Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib. 789. Sakaaro laba tun oo laka qalo ma leh. 790. Salaadba waqtigeedaa la tukadaa 791. Samraa, sammo hela. 792. Sankaagoo qudhma lama gooyo. 793. Seedi waa beer 794. Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda. 795. Shan shidda ma macaysaa. 796. Shinbiri maalibay dab qaaday buulkeedii baanay ku gubtay. 797. Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka baxaa. 798. Shinbir duul duul badani af libaax bay gashaa. 799. Shinbirba shinbirkiisuu la duulaa. 800. Shinbiri laba geed ma wada gurato. 801. Shir looma wada uunsiyo 802. Shir naagood oo shan dhaafay waa shar 803. Shisheeye sheela duxa ma leh. 804. Shubaali waa biyo la bax. 805. Sidaan kuugu lisay iigumaad hanbayn. 806. Sidee xeego lagu xagtaa ilkana u nabad galaan 807. Sir ma qabe allaw sahana. 808. Sir naageed lama sal gaadho. 810. Si xun wax u sheege saaxir ka daran. 811. Sodcaal maa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna waa kaba cad. 812. Soo bax baa la leeyahay sacabka leefaysaa. 813. Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga helaa. 814. Soomaalidu been way sheegtaa beense ma maahmaahdo. 815. Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa. 816. Soomalidu waa indho ku garaadle. 817. Soor quudheed lama cuno xoolo quudheedse waa la qaataa. 818. Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago Xarafka "T" Dib u laabo 1. Tabcadaa ma tuugoobo. 2. Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola 3. Talo laba adin dhexdood bay ka dhalataa 4. Tol la'aani waa tows. 5. Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa. 6. Toladu waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo 7. Tolkaa maw talisay, mase tuugtay. 8. Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xoog weynaado. 9. Tuhun waa sed. 10. Tuug la qabtay talo ma laha. 11. Tuug tuug ma xado.

Maahmaahyo

830. Ul jiiftaa ma jabto. 831. Umili ilawshiinyo dhaw. 832. usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa. 833. ushaada nin aad ka qaadi kartaa loo dhiibtaa. 834. Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho. Xarafka "W" Dib u laabo 835. Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno 836. waa lagu shareeraa waxay sheegtaba ha waydee. 838. waalida ninkii soo baraa laga waraystaa. 840. waan xoolo yarahayna deeq lagagama hadho waan dad yarahayna dagaal lagagama hadho. 841. waano dhalan baa ka adag.(ka roon) 843. Waari mayside war hakaa hadho. 844. Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca. 845. waayeel hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa. 846. waayeel hortiisaa caano loogu badhxaa. 848. Wadaad waa nin 849. Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa. 850. Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa. 851. Wadar iyo waaxid yaa waalan 852. wadiiqada yari wadada wayn bay kugu ridaa. 853. Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa 854. wakhti kaa lumay muruguu reebaa. 855. wakhti kaa tegay tiigsimaad maleh. 856. Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa (dhaashadaa). 857. walaalkaa markhaatiga ku fur magtana la bixi. 858. walaalo is necebi way xoola yareeyaan wayna xabaalo badiyaan. 859. walaashaa iskuma hubtida seedigaa haysi seegina. 861. wan wayn jeeroo la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan. 863. war jiraaba cakaaruu iman. 866. war la'aani waa dhego laaan. 867. war xumi dugsi ma fadhiisto. 868. waraabaa yidhi ulna layla gaadhi waa cayna wax igama tarto 869. Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa. 870. waraabe dhankii loo eryaaba waw toos. 871. Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa. 872. waranka ninka kugu dhufta iyo ninka kugu dhaqdhaqaajia ninka kugu dhaqdhaqaajiya ayaa xun. 875. Wax aad baratay waa baaskaa 876. Wax aqoon wax looma sheego. 877. wax is waydiintu ma xumee wax is waydaarsigaa xun. 878. Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay. 879. Wax la qarashaa ama qudhme ama qubte 880. wax raagaa rag kuma sama. 881. Wax rag kaa galay rako kaa gale. 882. wixii ay idho arkaan ayey ilko gooyaan 883. wax walba run moodaa rag ugu liita. 884. waxa jira sadex abaar, abaar geel ,abaar dumar iyo abaar rag. Abaar geel waa ilko laaan, abaar dumar waa ubad laaan, abaar ragna waa arin laaan. 887. Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna looma dhinto. 888. Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin. 889. Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fajiciyaan 890. waxaanad heli karayn waxaanad u baahnayn baa laga dhigaa. 891. waxay ili aragto ayaa ilko gooyaan 893. weel waliba wixii ku jiruu dhididaa 894. weylasha biree dibigu ha ku quustee 895. Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa 896. wiilkii is waalaba wiil waabiyaa hela. 897. wixii faq lagu sheego fagaaray tagaan. Xarafka "X" Dib u laabo 898. xaasidaw xoogga beel. 899. Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa. 901. xadhko geel ma wada xidhaan. 902. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan 904. Xalaafo waa Xoogii Xirsi Muude 905. Xarrago dumar xanuun ma leh 906. Xiiso iyo xoorba way gudhaan. 907. Xog mooge xaajo waa dilaa. 908. Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa. 909. Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato. 910. Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa 911. Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola